waa maxay java{lesson1}
Dulmar Luuqadda Java
1.1 Waa maxay Java?
Shirkadda weyn ee la yidhaahdo Sun Microsystems1 ayaa sanadkii 1995 soo deysay luuqadda kum-
buyuutarka ee Java. Ugu horeyntii waxay ugu talagashay in loo isticmaalo dhinaca Web-ka ama bo-
gagga Internet-ka, oo lagu sameeyo borogaraamyo yaryar oo borogaraamyada Browser-ka la dhexgaliyo,
kuwaas oo loo yaqaano Java Applets. Browser waxa loo yaqaan borogaraamyada lagu akhristo bogagga
Internet-ka, waxaana ka mid ah Internet Explorer (oo soomaalidu inta badan u taqaan e-da), Firefox,
Safari, Chrome, ... iyo qaar kale. Si kastaba wixii loogu talagaley iyo wixii laga sugaayeyba way dhaaftay
luuqadda Java.
Wakhtigan aan buuggan qoraayo Java waxay maraysaa soosaarkeedii ama Release-keedii todobaad.
Waxyaalihii laga sugaayeyna badankooda waa laga helay, waxaaney maraysaa heer ay qiyaastii 10 miljan
oo dad ahi bartaan kuna shaqaystaan2
. Waxaana laga isticmaalaa shirkadaha aduunka ugu waaweyn
sida NASA3
, IBM, Eclipse Project, Nokia Corporation, Apache Project iyo qaar kale. Jaamacadaha
aduunkana badankooda waa lagu bartaa. Sidaas daraadeed buuggani wuxu fursad u yahay ardayda
soomaaliyeed. Fursad ay ku bilaabaan barashada luuqaadda Java.
Meelaha loo isticmaalo ama loo adeegsado Java waxa ka mid ah:
1. Web Servers - Mishiinada kalawada ama -haga aduunka Internet-ka. Waxaana adeegsada inta
badan shirkadaha iyo dawladaha ama guud ahaan meelaha looga baahanyahay in macluumaad
badan la kantaroolo ama maamulo
2. Relational databases - Mishiinada lagu kaydiyo macluumaadka
3. Cellular phones - Telefoonada gacanta
4. Orbiting telescopes - Dayaxgacmeedada samada loo diro
Maanta luuqadda Java waxay maraysaa heer meelo badan oo kala duwan loo isticmaalo oo waxay
noqotay general-purpose programming language ama luuqad kumbuyuutar oo guud (calashaan meelo
badan loo adeegsankaro). Taariikhda luuqadda si fiican ayaa loo hayaa, maadaama ay gaabantahay.
Ninka lagu magacaabo James Gosling oo u shaqayn jirey shirkadda Sun Microsystems ayaa ah aabaha
Java. James wuxu ka shaqeynaayey mashruuc ama project TV-ga loogu talagalay oo interactive ah,
waxaanu quus ka taagnaa luuqaddii ay isticmaaleysay shirkaddu wakhtigaas oo ahayd C++ oo aan ku
habooneyn shaqadan.
Si hadaba uu u gaadho hammigiisa wuxu bilaabay inuu hindiso luuqad cusub. Inkastoo uu ku
guuldareystay mashruucii uu gacanta ku hayey, haddana shaqadii uu qabtay waxay faa’iido u noqotay
dhanka Web-ka iyo shirkadda Sun. Sidaas awgeed Sun waxay soo saartey daabacaaddii ugu horeysay ee
luuqadda Java sanadkii 1995.
Wakhtigaas waxa Java loo isticmaali jirey in lagu sameeyo borogaraamyada yaryar ee Applets-ka,
sidaan hore u soo sheegayba. Kuwaas oo la dhexgalinaayo bogagga Internet-ka ee borogaraamka Browser-
ka ah ee Netscape Navigator 4
.
Inkastoo ay wax fudud ahaayeen, haddana muddo gaaban ayay Java kusoo jiidatey dad aad u tiro
badan. Sababtoo ah waxay markii ugu horeysay saamaxdey ama suurtogelisey in bogaggii Internetka
1Waxa iibsatey shirkadda Oracle sanadkii 2009
2http://www.langpop.com/
3Waa shirkadda samaysa dajaxgacmeedyada ee duulimaadyada samada
4Netscape waxa aad loo isticmaali jirey 1990-2000. Waxaaney dadku uga guureen Microsoft Internet Explore
laga dhigo interactive. Xitaa markii uu dhamaadey wakhtigii Applets-ku, muu damin dabkii luuqadda
Java. Sababtoo ah dadka sameeya borogaraamyada kumbuyuutarada waxay arkeen faa’iidooyinkii Java.
Luuqadda Java marka loo eego luuqadaha kale sida C ama C++ way ka fududahay barashadeedu,
waaney ka nabadgelyo fiicantahay, waaney adagtahay sida qalad loogu adeegsadaa.
Waxyaalaha ay Java ku caanbaxdey waxa kamid:
• Object-Oriented Programming (OOP) oo ah hab borogaramyada loo dhiso oo soo baxay tobaneeyo
sano ka hor, markii ay adkaatey samayntii ama dhisitaankii borogaramyada kumbuyuutarada ee
waaweyn. Waliba markii habkii hore ee borogaraamyada loo samayn jiray oo ku caanbaxay Spagetti
Code uu noqdey gaabis. OOP waxay ku caanbaxdey waxa loo yaqaano Object, oo af-soomaali lagu
macneyn karo Walxo (jamac). Faahfaahin dheeraad ah way soo socotaa
• Platform neutral oo ka dhigan inaad borogaramkaaga Java adiga oon waxba ka badalin ku kax-
aynkarto (run) mishiin ka duwan kii aad ku sameysay. Tusaale ahaan haddii aad borogaramkaaga
ku sameyso mishiin uu ku jiro Windows , waxad ku kaxaynkartaa mishiin kale oo Linux ama OS
X ku jiro. Qodobkani waa arinta ugu muhiimsan ee aynu ku dooranayno Java.
Waxyaalaha ay Java kaga duwantahay C++ waxa ka mid ah:
1. Java hab automatic ah ayay u ilaalisaa xasuusta kumbuyuutarka. C++ waa inaad adigu ilaaliso
xasuusta
2. Java ma laha waxa loo yaqaano Pointers. Pointers waa arimaha ugu adag ee hortaagan ardayga
raba inuu barto C++
3. Java waxay leedahay hal inheritance oo kaliya, halka C++ ka leeyahay multiple inheritance. In-
heritance dib ayaynu kaga hadlaynaa
4. Java waa interpreted oo macnaheedu tahay in markasta oo la rabo in la kaxeeyo borogaraamka
Java, loo baahanyahay borogaraam kale oo loo yaqaano Java Virtual Machine (JVM) kaas oo loo
adeegsado kaliya kaxaynta. C++ uma baahna borogaraam noocan oo kale ah.
Arinta ugu muhiimsan ee luuqadaha C iyo C++ kaga fiicanyihiin luuqadda Java waa xawaaraha
ama performance-ka borogaraamka. Haddii aan si kale u dhigo borogaraamyada lagu qoray luuqadda
C iyo C++ way ka dheereeyaan kuwa lagu qoray luuqadda Java. Taasna waxa keenaaya borogaraamka
dheeraadka ah ee loo baahanyahay si loo kaxeeyo borogaraamyada luuqadda Java. Laakiin inta badan
xawaaraha borogaraamyada Java wuu ku filanyahay dadka, sidaas awgeed looma baahna inaad ka war-
warto arintaas.
1 Comments
Horay usoco
ReplyDelete