daawenta iyo dhimista xumada ama {qandhada}
Xummaddu waa nidaam ka mid ah siiyaabaha jirku uu cudurada isga difaaco.
Waxaad keliya oo Xummadda daaweeysaa haddii ay muhiim u
tahay ammaanka qofka iyo xanuun baabi’inta.
Xummadda saraysa waxa ay noqon kartaa halis oo waxayna sababi kartaa
in qofka jirkiisu biya badan ka baxaan ama u qofku engagnaan ka qaado.
Daryeelahaaga caafimaadka kala tasho xummadda jirka ee sareeysa ee
laga welwelo. Xummadda welwelka lehi waxaa ka mida ah:
ilmaha 3 bilood ka yar marka cabbirka heerkulka ee dabada uu
yahay 100.4°F (38ºC) ama uu ka sarreeyo.
ilmaha da’doodu ay 3 illaa 24 bilood jirta oo cabbirka heerkulka
dabada uu yahay 103°F (39.4ºC) ama uu ka sarreeyo.
caruurta ama dadka waaweyn oo cabbirka heerkulka afka uu
yahay 104°F (40ºC) ama uu ka sarreeyo.
Si loo daaweeyo oo loo yareeyo xummadda, qofka weyn ama canugga
jirran waxa aad siisaa cabitaan dheeraad ah, siiba biyo. Dhar fudud qofka u
geli. Waxaad siin kartaa qofka daawo xummadda ka yareeyso. Xusuusnow,
xummaddu waxa ay socon kartaa muddo oo taasi waxa ay jirka ka caawin
xaga difaaca iyo la dagaalanka infekshinka. Fadlan eeg Wacitaanka ku
saabsan Talada Caafimaad
badso biyaha ama cabida biyaha cad
Qofka jiran ku dhiri geli in uu cabitaan badan cabo, siiba biyo.
Jalaatada, iyo cabitaanka barafka oo qofka caawin karo. Dhidhidka
awgeed biyaha jirka ku jira ayaa jirka ka baxo inta xummadu ay socoto. Biyaha jirka ka baxay waxaa dib jirka ugu soo celin karo
cabitaan dheeraad ah oo qofku qaato.
Dharka Culus Siib
Si kulylku jirka uga baxo, qofku waa in u qaataa dhar fudud. Haddii
qofka weyn ama canugga jirrani uu qarqarayo ama uu gaariirayo,
waxa aad siisaa busto si u uga nafiso qabowga.
Waxaa La Isticmaali Karaa Daawooyin Xummadda Jebiya
Isticmaalka daawooyinka sida acetaminophen (Tylenol®) ama
ibuprofen (Motrin®) si fiican ayay wax uga qabtaan jebinta qandhada.
Waxaa fiican in daawooyinka la isticmaalo oo keliya haddii qofka jirran
aanu soo roonaan ama haddii xummaddu sare u kacayso ama ay ka
reebayso in uu cabitaan qofku qaato.
Laba saacadood kaddib marka qofka weyn ama canugga jirran u
daawo qaato, xummadda ayaa inta badan 2° illa 3°F (1° to 1.5° C) hoos
u soo dhacdo.
Sida dawada loo qaato waxaad raacdaa tilmaamaha ku dul qoran
baakaddaha daawada.
Caruurta iyo dhallinyarada aasbiriin yaan la siin
Waxa ay sababi kartaa xalad cudur oo loo yaqaan Reye, cudurkaas oo
ah mid khatar ah oo wax yeleen karo beerka iyo maskaxda. Caruurta
iyo ilmaha yar (infants) waxaa la siin karaa daawada xummadda
ee farmashiyaha lagu iibiyo ee leh acetaminophen ama ibuprofen.
Daawooyinkan waxaa loo helaa iyaga oo dareere ah ama iyaga oo ah
kuwo la calaliyo. Waa in aad caddadka saxda ah siisaa ilmaha taaso
ku xiran culayska ilmaha ama da’da oo aad raacdaa sida ku qoran
dhalada dawada. Caruurta 2 sano-jirka ka yar, waxaad raacdaa talada
daryeelahaaga caafimadka si aad u ogaatid noocyada daawada iyo
cadadda qaadashaa ee daawada. Caruurta 2 sano-jirka ka yar,
waxaad raacdaa talada daryeelahaaga caafimadka si aad u
ogaatid noocyada daawada iyo cadadda qaadashaa ee daawada.
Ha siin acetaminophen (Tylenol®) qofka cudurka beerka qaba,
haddii aanu daryeelaha caafimaadku u soo qorin. Daawooyinka
dareeraha (liquid) ah, daboolka yar ee cabbirka ee dhalada la socdo
isticmaal si aad u ogaatid cadadka saxa ah ee la siiyo qofka oo ha
isticmaalin dabool kale ee loogu talo galay cabir daawo kale. Waxaa
muhiim ah in la raaco qoraalka ku dul qoran dhalada daawada oo
aanan qofka jirran la siin daawo ka badan intii loogu talagalay
sida saxda ah ee heer kulka looqado
Cabbiridda Heerkulka Dabada
Daboolka halka mar la isticmaalo geli heerkulbeegga lambarka leh. Ilmaha
dhabta saar ama meel siman sida sariirta oo kale ah, oo dhinaca caloosha
hoos mari. Waxaad boomato (petroleum jelly) marisaa dusha sare ee
afka hore ee heerkulbeegga iyo afka hore ee dabada. Hal gacan dabada
salkeeda ku fur oo gacanta kalena si ayaar ah heerkulbeegga dabada ugu
riix illaa cabbirku uu gaaro ½ inch illaa 1 inch. Xoog ha u gelin marka
aad heerkulbeegga dabada galinaysid. Heerkulbeegga labda farood
ku hay dabada salkeeda (meel u dhow dhammaadka heerkulbeegga).
Riix oo iskukeen dabada si uu heerkulbeeggu u istaago meeshi la rabay.
Canugga kaligiisa meesha ha uga tagin. Waxaa aad raacda tilmaamaaha
heerkulbeegga ku qoran ama heerkulbeegga canugga dabadiisa ilaa 2
daqiiqo ku hay. Ka soo saar oo cabbirka heerkulbeegga akhri. Daboolka
marka keliya la isticmaalo qashinka ku tuur. Gacmahaaga dhaq.
1 Comments
Keep going dear🥰
ReplyDelete