Latest Article

6/recent/ticker-posts

DHIBAATADA JAHLIGA

in badan oo anaga inaga imada waxaa fariisiyay jahli iyo aqoon xumo qof dhalin yara ah xoog leh caqli leh inuu waxuu noloshaba ka qabto uu garan waayo oo iska fariisto maxa ku kalifi kara wax kale ma sababin inuu qofku wuxu qabtaba uu garan waayo waxaa keenay aqoon daro inyar uu wax barto ayuu kaga bixi lahaa intuu noloshiisa maxaa qabtaa ku dhamaysan lahaa

bulshadeena in badan kamida wexeeba u hestaaan in wax barasha iyo inaa wax kororsatid laga koro oo laga weynaado wuxu kuleyahay ma sacadaan wax barankaraa haa wa sameyn kartaa waliba hor mar la arki karo ayaad ka xaqiijin kartaa aan usoo laabto ciwanka horta ma ahan jaahilnimada laguu sheegaayo inay tahay qof aan waxbaba garaneynin majiro qofaan waxba garaneynin qof kasta wuxu yaqana wuxu ku koray ninka geela raaca wuxu yaqana geeliisa sida loo dhaqdo sida loo waraabiyo sida loo ilaashado waa cilmi adiga aanad garaneynin 

marka qofkasta waxbuu yaqanaa lakin waxaa ceeb ah  inaa ku qanacdo waxa yar aad taqaanid ayadoo inta aad taqaanid ay ka badantahay inta aadan aqoonin isku bar bardhig inta kaa maqan oo cilmi ah iyo inta heesatid keeba badan 

 Dhibaatada jahliga

 jahligu Waa mid kaloo kamid ah waxyaabaha khatarta ku haya bulshadeena, 

Hadaba waxa  fiican inaad ogaatid jaahilka dhabtii kuu yahay, waxa hubaala in dadkeenu ay jaahilka u haystaan qofka baadiyaha joogo jahligu waa cudur halis ah hase ahaatee daawana leh, daawadiisuna waa cilmiga. Jahligu qofka waxa uu galiyaa nolol mugdi ah miisaanka wax lagu qiyaasana wuu ka lumiyaa.

Waa kuma jaahilku?

Jaahilku shayga mudan in laqiimeeyo ma qiimeeyo, waxaan qiimo lahayna aad ayuu u qiimeeyaa. Qofka jaahilka ah isagoo nolol barwaaqo ah ku jira ayuu hadana ka gaajaysan yahay, waxa u roon iyo waxa u daran Makala garto. Qofka jaahilka ahi ma qiimeeyo wakhtiga kamana faa’idaysto 

maalinti dhalataana tan kale waxba ugama duwana. Jaahilku isagaa mar walba isla gar leh, lagamana gar helo, muranka iyo dooduna waa awooda kaliya ee uu leeyahay.

 Dhibka jaahilnimada waxaa loola jeedaa aqoon la'aanta ama faham la'aanta mawduuc ama fikrad gaar ah. Aqoon la'aantu waxay ka dhalan kartaa arrimo kala duwan sida helitaanka waxbarasho ama macluumaadka oo xaddidan, eex dhaqameed ama bulsho, caqiidada shakhsi ahaaneed, ama xiiso la'aanta waxbarashada.

Aqoon la'aantu waxay  horseedi kartaa natiijooyin badan oo xun sida isfaham la'aan, eex, dulqaad la'aan, iyo xitaa rabshado. Waxa kale oo ay hor istaagi kartaa korriinka iyo koritaanka shakhsi ahaaneed,waxay  xaddidaysa fursadaha, kana hor istaagi karta shakhsiyaadka inay qaataan go'aanno xog ogaal ah.

Ladagaalanka jahliga

Halka dariiqo oo lagula dagaallamo jahliga waa waxbarasho iyo kordhinta helitaanka macluumaadka. Tan waxaa ku jiri kara waxbarashada tooska ah ee dugsiyada ama jaamacada iyo sidoo kale waxbarashada aan rasmiga ahayn ee buugaagta, ilaha internetka, ama khibradaha gaarka ah.

Habka kale ee jahliga loola dagaallamo waa maskax furnaan iyo rabitaan ah in la barto oo la raadiyo xog cusub. Tani waxay ku lug yeelan kartaa su'aalo la iska waydiiyo malo iyo caqiidadooda, ka doodida eexda shakhsi ahaaneed, iyo la qabsiga wada sheekaysi iyo wada hadal macno leh oo lala yeesho dadka qaba aragtiyada kala duwan.

Guud ahaan, aqoonta iyo wax ka qabashada dhibaatada jahliga waxay muhiim u tahay kobaca shakhsi ahaaneed, horumarka bulshada, iyo abuurista adduun loo dhan yahay oo dulqaad leh.

Post a Comment

1 Comments