Hadaad waa bariisato ha sugin galabaysi, ku kulmi hamigaaga hagaajinta maalintaada.
Ka tag waxa mustaqbalka imaanaya ilaa uu ka yimaado,
ha danaynin Beri maxaa yeelay hadaad maanta wanaajiso Beri ayadaa wanaagsanaanayso.
Laazim socodka iyo jirdhiska, ka dheerow caajiska, ka tag firaaqada iyo shaqo la’aanta.
Ugu mahad noq rabigaaga nicmada uu ku siyey, ugu mahad noq nicmada diinta, caqliga, caafimaadka, maqalka, aragga, rizqiga Miyaadan ogoyan in dadka ay ka mid yihiin kuwo waayey caqliga ama caafimaadka ama maxbuus ah ama imtixaamaysan
La noolow qur’aanka adigoo xifdinaya, aqrinaya, ku tadaburaya, taasi waa dawo midda ugu ween ee lugu cayriyo muragada iyo dhibta.
Alle tala saaro u dhiibo taladaada oo idil, ku raali noqo xukunkiisa, asaga magan gal, ku tiirsanow isaga ayaa ku kaafinaya.
Cafi cidda ku dulmisay, xiriiri cidda ku jartay, sii cidda wax kuu diiday, udulqaado cidda ku xumaysay waxaad helaysaa farxad iyo amni.
Ogow in culayska ka danbeeyo fudeed, dhibtana ka danbeeso faraj. xaalada sidaan masii ahaanayso, maalmuhu way wareeganayaan
Ku farax sida alle kuu dooray maxaa yeelay adiga ma ogid sida maslaxada kugu jirta waxay noqon kartaa in dhibta kaaga khyr badan tahay barwaaqada.
Imtixaanka aduunyada wuxuu kuu dhaweynayaa allah wuxuu ku barayaa ducada, wuxuu kaa tagsiyaa kibirka iyo faanka.
Ka dheeraw mala xumada, tuur ismoogaysiiska sidoo kale ka dherow waxyaalaha xun iyo fikradaha jiran.
Yaqiinso inay dunida tahay meel imtixaan ku qaabil xaaladeeda allana u kaasho. Ka fakir dadka kaaga horeeyey nolashaan, waxaa ka mid ahaa dad la dheereeyey, la xabisay, la dilay iyo dad la imtixaamay.
Hala fariisan dadka carada badan, xaasidiinta ah maxaa yeelay waa dad xambaarsan murugo iyo dhib.
Ku ilaali salaadaha inaad ku tukato jamaaco, badi ku nagaanshaha masjidka, ka caado dhigo u dagdagida salaadaha waxaad heleysaa farxad iyo sacaado. Waxaan kaaga digayaa dunuubta, iyada ayaa ah halka ay kasoo burqato murugta, waxay sababtaa musiibooyin.
Ogow qofka ku xamanaayo wuxuu kuu hadyadeeyey wanaagyadiisa taana waa nimco.
Ahow geesi uu suganyahay qalbigiisa, agtaadana ha ahaato himo sare iyo go’aan yeysan ku kedinin dhibaatada.
U fur fur wajigaaga dadka waxaad ku kasbanaysaa inay ku jeclaadaan una raarici garabkaa, una ixsaan fal way ku waynaynayaan.
Bixi waxa wanaagsan, u jilcsanow dadka, dami cadaawada, nabad gali cadowgaaga, la saaxiib dadka wanaagsan. Farxada waxa ugu weyn inay kuu duceeyaan waalidiintaada, ka faa’idayso ducadooda si ay kugu noqoto dhufays adag oo kaga gaashaamato dhibta.
Ku noolow nolol dhaxdhaxaad ah ka digtoonow taraxtaga iy o xadgudubka. Camalada kala qaybi haka wada dhigin hal waqti ka dhig kuwa ukala dhexeeya waqtiyo si aad firfircooni ugu heshid midba midka kale
Wax kastoo ku asiiba ajarkiisa Allah ayaa ku siinaya
1 Comments
Keep on your achievement.
ReplyDelete