qoraa nimadu maahan wax sahlan ama fudud balse mid labaran karo bulshadana aad u anfacda
qoramadaan maahan midaan kusoo koobi karno qaabka ama habka casriga ee loo noqdo qoraa heer caalami ah.
qoraagu waa tiir kamida tiirarka lagu ilaaliyo bulshada jiritaankeeda afka iyo dhaqankaba qoraagu waa hagaha dhalaanka
inaad ku fikirto sida aad u noqon lahayd qoraa anfaca bulshadiisa iyo qoysiiska, sidoo kale, qoraagu waa qalin qaadaha wax ka qoro arimo farabadan sida: Dhaqaalaha. Fanka iyo suugaanta. Siyaasadda. Deegaanka. Diinta. Ciyaaraha iwm
waa kuma qoraa
Qoraagu waa laf-dhabbarka bulshada, haddii la rabo bulsho in ay jirto waxaa muhiim ah, in la hello qoraa,
qoraagu wuxuu ka turjumayaa jiritaanka luqaddiisa hooyo, akhriste waxaad ogaataa ummad walbo
dunidaan ku nool, waxa ay leedahay qoraa, sidoo kale, hadii larabo in la baabi’iyo bulsho, waxaa laga
soo galaa saddex dhinac, 1: diintooda, 2: dhaqan kooda, 3: luqaddooda. Marka luuqadda ay bulsho
leedahay , hadii la hor mariyo waxey ka dhigan tahay jiritaanka bulshada, haddaba akhriste, waa in aad
diiradda saarto, qorista buugaagta, maxaa yeelay, marka aad wax qorto bulshada waad ka duwan tahay,
xitaa goob walbo, waxaad la kul meysaa dad ku jecel, tusaalle, marka aad ilmo dhasho, waxaa la
leeyahay, waa wareey ka leexda waa ilmihii qoraaga!, haddaba akhriste, haddii saas laguu wanaajinaayo
waa in aad noqotaa qoraa, faafiya luqaddiisa hooyo, noqo mid kusoo kor- dhiyo bulshadiisa buugaag wax tar leh sida. Buugaagta kobciya maskaxda aadanaha. Buugaagta dhiira gellinta nolosh
Buugaagta ku cibra qaadashada caqabadaha nolosha. Hagaag, Qoraagu waxa uu kamid yahay dadka la
qiimeeya dunida, waxeyna ka dhigan yihiin jiritaanka bulshada, sidoo kale, waxaa muhiim ah in la
qiimeeyo qof walbo oo hal abuur la yimaado,laakiin, haddii aan soomaali nahay ma qiimayna qofkahal
abuurka leh sida farsamo yaqaanada, waxaan ugu yeernaa magacyo eysan uqalmin laakiin, dunida waxaa looga yeeraa injineer. F.G: Qoraagu waa laf dhabarka bulshada, haddaba qiimeey
Tiirarka qoraalka
Qoraalku wuxuu leeyahy tiirar aad u weyn, kuwaas oo aan suurta galaynin la’aantood, haddaba, waa saddex tiir.
1: Marka la rabo in wax la qoro waxaa laga maarmaan ah Ogaansho, sababtoo ah, qofka marka uu wax ka qoraayo waa in uu wax ka fahansan yahay, kana faalloonkara.
2: Baarris, baaristu waa waxa keliya ka dhabbayn Karo in aad wax qorta, waayo, baaris la’aan waxey caqabad ku noqonaysaa qoraaga.
3: Falaqeyn, wax walbo la baaro waa in la keenaa natiijadooda saxda ah, maxaa yeelay, fallaqeyntu waxey kaallin muhiim ah, ka ciyaartaa in la hello xog la isku hallayn karo. Akhriste: Sidoo kale, tiirarka qoraalka waxaan dhihi karnaa naxwaha Afka Soomaliga, waayo, wax walbo
Waxey leeyihiin naxwo, haddaba, haddii aad rabto in aad noqoto qoraa, waa in aad barataa naxwaha.
Tiirarku waa udub-dhaxaadka qoraalka ama suubnaanta qoraalka, hasayeeshee, guri walbo wuxuu
leeyahay aas’aas, kaas oo suura gelinaayo in la dhiso guriga, haddaba, waxaana la huraynin in la fahmo
naxwaha qoraalka. Haddii aan wax yar oo faa’ido ah ku darro, bal aan jalleecna taariikhda
afsoomaaliga. Ku dhaqanka farta soomaaliga waxa uu ahaa sannadda 1972, balse, inkastoo ay jireen
luqado lagu hadli jiray inta aan la qorin farta soomaliga, sida Luuqadda carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga
iyo qoraalo kale ay isku dayeen aqoonyahanno soomaaliyeed, laakiin, aan wada hergelin, sida fartii cusmaaniyadda. F.G: Sannadka Gudiga loo xilsaaray farta soomaaliga waxay aheyd 1961
0 Comments