magaciisu waa Abu-Cabdullahi, Maxamed Ibnu Ismaaciil ibnu
Ibraahiim, ibnu muqiirah, ibnu Burdazbah Al-Jacfi Al-Bukhaari
wuxuu ku dhashay magaalada Bukhaara, oo ku taal dalka maanta loo
yaqaan Uzbekistan, sanadku markuu ahaa 194H 13-ka bisha
Shawwaal habeen jimceed, oo ku beegan 810 miilaadiga, waxuu ahaa asalkiisu
Faarisi, Bukhaari Aabihii, Ismaaciil ibnu Ibraahiim ibnu Mughiirah al-Jacfi,
wuxuu ka mid ahaa Muxaddisiintii waa weynaa ee reer Bukhaara, wuxuuna caan
ku ahaa uruurinta iyo xifdinta Axaadiista Nabiga (NNKH). Bukhaari Aabihi
wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse
uga tagey hanti fara badan oo xalaal ah wuxuu oran jiray Aabihiis Maalkayga
oo dhan ma garanaayo hal Dirham oo xaaraana oo ku jira, Korintiisa iyo bar
baarintiisa waxaa la wareegtay hooyadiis.
Imaam Bukhari markuu toban sano gaarey ilaahey wuxuu laabtiisa ka buuxshey
xiisaha barashada Axaadiista Nabiga (NNKH). Wuxuu galay dugsiga
Axaadiista lagu barto ee Bukhaara, sanad kadibna wuxuu marjac iyo tixraac u
noqday macallimiintiisa oo mararka qaarkood ka saxan jirey Matniga (Lafdiga)
iyo Asaaniida (Sil silada lagu kala wariyo Axaadista).Imaam Bukhaari Markuu
lix iyo toban jirsadey, wuxuu dusha ka qeybey kutubtay qoreen Ibnu Mubaarak
iyo Wakiic, Imaamu Bukhaari Sareynta xifdigiisa iyo sugnaanta fahamka uu u
leeyahay Axaadiista Nabiga (NNKH) waxaa la yaabay culumadii
Xiligiisa nooleydey.
Imaam Bukhaari Sideed iyo tobon markuu jiray wuxuu la xajiyey hooyadii iyo
walaalkii Axmed, Xajka ka dib, Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray
Xaramka Barakaysan, ka dibna wuxuu qoray kitaa uu ugu magac daray
“Qadaayaa as Saxaabah wa Taabiciyyiin”. Wax yar ka dib wuxuu aadey
magaaladii Nabiga (NNKH) Madiina al-munawarah , intuu joogeyna wuxuu
qoray kittaabkiisii caanka ahaa ee “At-Taariikh al_Kabiir.”
Imaamku wuxuu meel fog iyo meel dhaw u aaday barashada axaadiista Nabiga
(NNKH). Raadinta iyo la kulanka culumadii Axaadiista ku xeeldheerayd
xilligiisii, waxay ka fogeysey dalkiisii hooyyo. Asagoo taa xusayana wuxuu yiri,
“Cilmi dalabka waxaan u aaday Masar iyo Suuriya laba goor, Basrana afar goor,
lix sanaan Xijjaaz u joogey, inta goor oon Kuufa iyo Baqdaadna muxadisiin u
raacayna maba koobi karo”
Arrimihii dadka cajab geliyey ee Imaamku lahaa waxaa ugu weynaa
xifdigiisa, Xaashid Ibnu Ismaaciil oo Bukhari isku xer ahaayeen, wuxuu yiri:
“Bukhaari wuxuu axaadiista nagala baran jirey culumada Basra.
Axaadiista waa qoran jirney isaguse ma qoran jirin. Arrintaa waa
ku canaanannay, ka dib Bukhari wuxuu codsay innaan waxaan
qoranney u keenno wuxuuna ku kordhiyey shan-iyo-toban-kun oo
Xadiis oo xifdigiisa uu ka sheegay. Waxaan kutubteenna ka sixi jirney
xifdiga Bukhaari”.
Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka qeybey 300.000- kun oo Xadiis(Sadex-
boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun (Boqol-kun) oo ka mida ay saxiix wada
tahay, iyo 200.000-ku (laba boqol oo kun) oo aan saxiix ahayn.
Waxaa xifdiga u dheera fahamka iyo garashada Axaadiista. Wuxuu ku xeel-
dheeraa lifaaqida iyo tafaftirida Axaadiista marnana ma suuroobi jirin in
Imaamka hadalka Nabiga (NNKH) laysku daba mariyo. Muxudisiintii reer
Baqdaad ayaa isugu qasay muttuun (Lafdi) iyo asaaniiddii (Silsiladii)
Axaadiista bal si ay u hub sadaan qotoda iyo gunta garashada Bukhaari u
leeyahay Cilmiga Axaadiista markey maqleen innuu Baqdaad ku soo socdo.
Imaam Bukhaari Markuu magaalada soo galay, waxaa loo qabtey xaflad
balaaran oo lagu soo dhaweynayey oo ka soo qeybgalleen culumaddii
Axaadiista ee reer Baqdaad, sidii qorshuhu ahaanna waxaa Bukhaari loo soo
bandhigay boqol xadiis oo kas loo marooriyey ula kacna leys ku daba mariyey,
Sidii lagu yaqaaney Imaamka, Intuu miyir u dhegeystey buu mid-mid u dhiraan-
dhiriyey Asnaadoodii saxda aheyd maroorkii ku jireyna ka saaray (marlabaad
buu ugu celiyey boqol kiiba isagoo sidii saxda ahayd ee Nabiga (NNKH) looga
wariyey u qaadaa dhigaya ilaahow ku xifdi sidaad u xifdisay warka Nabiga
(NNKH).
Dhacdadaasi waxay muu jisay xeel dheeraanta aqoontiisa xifdiga iyo
garashadiisa Cilmiga Xadiiska Nabiga (NNKH), Bukhaari wuxuu u adeegsaday
inuu ku uruuriyo inta ugu saxan uguna hubsan Axaadiista nabiga (NNKH) kuna
qoro hal kitaab. Bukhaari wuxuu yiri “Xadiis kasta oon ku qoray Kitaabkeyga
labo rakco baan u tukadey, Allaah baan kala tashaday (Istikhaara), sixadiisana
waan hubsaday.” Waxey ku qaadatay 16-sano (lix-iyo-toban-sano) inuu ku
dhameeyo qorista kitaabka Caanka ah ee uu garanayo Qofkasta oo Muslima oo
wuxuun diina garanaya amase maqlay Nabigaa (NNKH) sidaa yiri A-Saxiix-
ul-Bukhaari. “ Waa Xujjo aniga iyo Allaah noo dhexa” buu Imaamku yiri.
Markuu dhammeys tirayna wuxuu u bandhigay Axmed Inbu Xanbal, Yaxyaa
Ibnu Maciin, Cali Inbu Madiini, iyo Rag kale kuligoodna waxay u qireen
kitaabkiisa sixid iyo sugnaan. Arrintaasi waxey noqotey ficil aad loo mahadiyey
nacfigiisa iyo wax tar kiisana maanta la qirsanyahay Waxa uuna noqday
kitaabka labaad ee ehlu sunuhu soo daliishadaan, marka laga yimaado qu,aanka
kariimka ah.
dhaqamadii imam{albuqaari}
Imaamka waxaa lagu yaqaaney deeqsino, Saahidnimo iyo Alle ka cabsi. Wuxuu
ahaa nin Adduunku uusan agtiisa wax ka aheyn. Imaamku, Sidii culumaddii la
xilli ahaa lagu yaqaaneyba, Allaah nin ka baqa buu ahaa. Nin cibaado badan buu
ahaa. Waxaa la wariyey inuu maalin walba oo bisha Ramadaan ka mid ah
uu Qur’aan-ka dhamayn jiray.
Imaamku waxuu ahaa Nin dadka xaqooda iska ilaaliya, hadaladiisii waxaa
kamid ahaa “Waxaan rajeynayaa innaan Allaah la kulmo, Annoon la iga
xisaabin qof aan xantay.” Welligiis qof xummeeyey uma caroon baa la wariyey
xagga zaahidnimada.
Bukhaari waxuu ahaa nin caato ahoo cuno yar oo meel dhexaad ah aan dheerayn
gaabnayna, wuxuu ahaa nin timo jilic san, waxuu ahaa nin ahsaan badan aadna
deeqsi u ah, xataa waxaa la wariyaa inuu halmaalin sadaqaystay 3000 oo dirham,
wuxuu ahaa nin warax xalaal quudato ah, waxuu ahaa nin taqi ah oo cibaado
badan wuxuu kaloo ahaa marakay soo gasho bisha Ramadaan Quraanka wuxuu
dhamayn jiray maalin kasta.
kulaabashadii magaalada buqaara
Markuu muddo ka maqnaa Bukhaara ayuu bukhaari go’aansaday inuu ku laabto
dad kiisii iyo magaaladiisii. Markey maqleen reer Bukhaara safarka bukhaari ee
xagooda ah, farax iyo ray-reyn baa ka buuxsamay. Waxay diyaariyeen qaabilaad
aan hore loo arag, xataa magaalada duleedkeeda bey Teendhooyin ka dhiseen.
Markuu Bukhaari magaalada yimid, wuxuu durbadiiba guda galay baarista
Axaadiista Nabiga (NNKH) . Hase yeeshee waxaa damcay inuu handado,qash-
qashaadna ka deyn waayey ninkii Bukhaara xilligaa waalli-ga (amiirka) ka haa
ee la oran jiray Khaalid Binu Axmed Ad-duhaley ugana ahaa Khuraasaan
dowladii Cabbaasiyyiinta.
Wuxuu Imaamka ku yiri amiirkaas sida lagu yaqaan raga madaxda ah inay
amar taag leeyaan, gurigeyga caruurta wax iigu bar, Bukhaari wuxuu si
geesinimo leh ugu jawaabey, “Ma rabo inaan ku xadgudbo sharafta cilmiga oo
la meeraysto iridaha guryaha madaxda, ee haddii cidi rabto iney aqoon
kororsato ha timaado dugsigeyga” Waalli-gii Bukhaara baa hadalka sheekha
ku celiyey oo yiri “ Haddii wiilkeygu dugsigaaga yimaado, ha la fariisin ardada
kale ee gooni wax ugu dhig.” Bukhaari baa yiri, “Qofna kama mancin karo
xadiis dhegeysigi.” Oo macnaheedu yahay wiilkaaga gooni wax ugu dhigi mayo
Imaamku Gacanta ayuu ku dhuftay dalabaadkii ka imaanayey Madaxtooyda taas
oo ay ku guul daraysteen Culimo Badan oo joogta xili kasta, kuwaas oo ku
mutaystay magaca meel walba looga yaqaan ee Culumaa’u Dowlah (culimada
dowlada).
Khaalid Ibnu Axmed, Waalli-gii Bukhara, wuxuu Imaamul Bukhaari ka eryey
magaaladii uu ku dhashay ee uu ugu soo noqday inuu dadkeeda u faa’ideeyo
waxuuna aaday magaalo kale oo ka tirsan Samarqandi oo dad qaraabadiis ah ay
daganaayeen, laakiin dul migaas kama faa’iidin Amiirkii Khaalid ee Bukhaari
wuu habaaray ilaahayna waa ka aqbalay oo Ninkii kasareeyey ee haystay
Khuraasaan ayaa amray in xoolahana laga qaado xabsigana loo taxaabo Amiirkii
isagoo Dameer saraan baa Jeelka ladhigay halkaas buuna ku dhintay
Aakhirtaankii. (ilaahay waa caadil ee dulmi iska ilaali walibana midka
culimada).
Waxaa kaloo Geesinimadiisa kamida inuu ku haray Makka, mudo badana uu u
wareegayey dhulal badan inuu Cilmiga xadiiska kasoo horka laabto ilaahayna
waa ku guuleeyey oo waxuu kasiiyey Qayb wayn.
0 Comments