Latest Article

6/recent/ticker-posts

WAX KA OGAAW DADKA GUULEYSTAY

  sheekada guusha jack ma{alibaba.com}

Jack Ma waa muwaadin u dhashay dalka china, kaasi oo ku guuldaraystay inuu 

ku biiro college-ka tiraba saddex jeer, ugu dambayntiina wuxuu si dirqiya ku 

dhaafay imtixaankii kadib markii uu sameeyay diyaarin iyo dadaal caadiga 

dhaafsan. 

Wuxuu isku dayay inuu shaqo ka helo maqaaxi cuntada lagu kariyo, laakiin 

badankoodii way diideen inay shaqada galiyaan. Kadib markii uu codsiyo badan 

oo shaqo ah meelo kala duwan u dirsaday ee loo diiday ayaa wuxuu 

go'aansaday inuu shaqo macalinimo raadsado sababtoo ah wuu ku 

guuldaraystay inuu shaqo taa dhaanta helo.

Jack Ma wuxuu dhigi jiray luuqada English-ta isagoo qaadan jiray lacag ka yar 

10 dollar bishiiba.

Ka hor intii aanu bilaabin dhigista luuqadan, Jack Ma wuxuu aad u jeclaa inuu 

horumariyo habka uu ugu hadlayo luuqadan, waxaanu 45 daqiiqo u kaxaysan 

jiray baskiishiisa maalin walba Huteel u dhaw oo ay dadka dalxiisayaasha ahi ku 

soo dagi jireen si uu ula hadlo luuqadana English-tana iskaga dhiso.

Jack Ma kumuu qanacsanayn shaqadiisa, waxaanu go'aansaday inuu u guuro 

dalka maraykanka, si uu u helo nolol ka fiican tii uu ku noolaa. Wuxuu bartay 

computer-ka iyo internet-ka aad baanu u jeclaa. Markii dambana wux aasaasay website-ka loo yaqaano ALIBABA.COM kaasi u saamaxay ganacsiyada 

iyo shirkadu ay ku kala ganacsadaan iskuna dhaafsadaan alaabta si online ah.

Alibaba wuxuu noqday ninka ugu taajirsan dalka china, hantidiisana maanta 

waxaa lagu qiyaasaa 21 billion dollar. Waxaa loo aqoonsaday inuu kamid yahay 

25 ganacsade ee ugu awooda badan qaarada eeshiya.

Waayihii iyo Noloshii uu maray Jack Ma

Jack Ma muu haysan wax lacag ah oo uu ku bilaabo ganacsi. Wuxuu ku shaqayn 

jiray mushahar aad u yar. Waxaanu si dirqiya ugu biiray oo uu ugu guulaystay 

inuu ku biiro machadka tababarka macalimiinta. Intaa waxa dheer in wadanka 

shiinuhu aanu waqtigaa ahayn meel ku fiican in lagu noolaado ganacsina laga 

bilaabo.

Jack Ma dhaqaalihiisii iyo lacagtuu haystay sanadihiisii ugu horeeyay kamay 

badnayn intaad haysato maanta, haddii aanay intaad haysataa kaba 

badnaynba. Ninkani wuxuu aad u jeclaa oo kaliya inuu abuuro ganacsi 

guulaysta taasina waa sababta uu u raacay riyadiisii aanu u xaqiijiyay.

Hadaba waa maxay cudur-daarada aad maalin walba naftaada u sheegtaa? 

Lacag kugu filan mahaysatid? Waxbarasho fiican ma haysatid? Dadka kugu 

xeerani kuma dhiirigaliyaan kumana garab istaagaan?

Jack Ma muu haysan qof dhiirigaliya oo cadaadiya balse damacaa xoogan ee ku 

gubayay si uu guul u gaadho ayaa ka dhigay ninka uu maanta yahay.


 sheekada guusha coca cola

Uma malaynayo inuu jiro qof aduunka ku nool oon wali maqal sharaab coca 

cola la yidhaa. Cocola waa shirkad sharaabka soo saarta oo lagu qiyaasay 

hantideeda in ka badan 160 bilyan oo dollar, sanadkastana waxay iibisaa in ka 

badan 40 bilyan oo dollar, caalamkoo dhana waa laga helaa.

Dad badan ayaan fahansanayn siday guushu u dhacdo, waxayna ka haystaan 

fikrado qaldan, fikradahaa way aaminaan, waxaanay ka dhigtaan wax xaqiiq ah oo jira.

Qofka iska caadiga ahi wuxuu umalayn doonaa in shirkadan Coca cola uu 

bilaabay qof milyaneer ahi, si fudud uu ugu balaadhiyay aduunkoo dhan, balse 

xaqiiq ahaan ninkii bilaabay shirkadan sharaabka oo la odhan jiray John 

Pemberton wuxuu ahaa nin farmasii iibiya ( meesha dawooyinka lagu iibiyo )

 Wuxuu si qalad ah oo aanu ugu talo galin u soo saaray oo uu u ogaaday isku 

jirka sharaabka, waxaanu isku dayay inuu ka iibiyo wixii uu soo saaray farmasi 

kale oo agtiisa ahaa 5 centi ayaanu ka siiyay koobkiiba.

Sanadkii horeeyay Coca cola wuxuu iibiyay 9 caagadood oo sharaaba 

maalintiiba. Sanadka dhamaadkiisiina wuxuu wuxuu shaqeeyay lacag 

gaadhaysa 50 dollar, 73 dollar-na wuxuu ku bixiyay xayaysiinta sharaabkaa. 

Waxaanad arki kartaa inuu khasaaray sanadkaa.

Sanado kadib niman ganacsato ah ayaa kaga iibsaday ninkii aasaasay lacag 

gaadhaysa $2300, sanado kadibna waxay noqotay shirkadaa weyn ee aynu 

maanta naqaano.

Ma ogaatay sida hooseeysa ee u ku bilaabmay ganacsigan?

Sidoo kale ma ogaatay sida uu u noqday ganacsi weyn?

Casharada laga baran karo sheekadan ?

Waxaa jira casharo aad u muhiim ah oo aynu ka baran karno sheekadan.

1. Waxaad ka bilaabi kartaa meel aad u hooseeysa waxaanad gaadhi 

kartaa meel aad u saraysa : shirkadaa dhan waxaa laga bilaabay meel 

farmasii ah, sanadkii ugu horeeyayna wax faa'ido ah may samayn. Dad 

badan ayaa u maleeya in inaad wax bilawdaa ay u baahantahay wax 

weyn si aad meel weyn u gaadho, taasina waa fikir qaldan oo ay ka 

aaminsan yihiin guusha.

2. Waa wax iska caadi ah in aanad wax natiijo ah arag bilawga hore : aan 

ku waydiiyo su'aal. Maxaad samayn lahayd haddii sharaab cusub oo aad

 soo saartay laga iibsado 9 cabitaan oo kaliya sanad dhan? Miyaad niyad 

jabi lahayd ood joojin lahayd? Dad badan ayaa u maleeya in ay tahay 

inay marka hore natiijo helaan si ay u sii wadaan, balse xaqiiqdu waxay 

tahay natiijada aad rabtaa waxay imanaysaa markaad sii wado.

3. Waxaad heshaa waxaad u qalanto markaad sii wado dadaalkaaga: coca 

cola waa sharaab cajiib ah, waxaanu u qalmaa inuu caan noqdo balse 

haddii ninkii aasaasay uu niyad jabi oo uu joojin lahaa markuu iibiyay 9 

cabitaan sanad dhan heerkan muu soo gaadheen. Haddii aan si kale u 

dhigno haddii fikirkaagu yahay fikir aad u fiican haka rajayn inay dadku 

hore ka taageeri doonaan ilaa aad samayso dadaal aad u badan 

mooyaane.


Bal adiga kawaran?

Bal hadaba adigu isku noqo?

Maxa kaa hortaagan ee dib kaaga haya inaad gaadho hadafyadaada?

Ma dadkaa diiday fikradahaaga? Dad badan oo maanta guul ka gaadhay 

nolosha raadna ku reebay aduunka ayaa la diiday fikradahooga, balse waxa u 

suurto galiyay inay sida cadceeda uga soo muuqdaan adduunka intiisa kale waa 

quusasho la'aanta iyo sii wadista. Lacag kugu filan mahaysatid miyaa? Coca 

Cola-ha aad arkayso fikradiisu waxay aad uga liidatay fikirka aad maanta hayso.

Dad badan ayaa waxaa curyaamiya fikirkadaha beenta ah ee ay guusha ka 

haystaan, xagii ay xaqiiqda ka arki lahaayeen. Haddii ay xaqiiqda arki lahaayeen 

waxay qiri lahaayeen inay u halgamaan fikradahooga ayna waajahaan 

caqabadaha ay la kulmi lahaayeen.

Waxa aad kuugu fudud inaad tidhaahdo " ma haysto lacag igu filan oo aan ku 

bilaabo ganacsi" " nasiibkaygu ma fiicna" xagii uu ka qiri lahayd inaad masuul 

buuxa ka tahay natiijooyinka aad helayso noloshaada.

Ma garanaysaa sababta ay dad badani fikir been ah uga haystan guusha? 

Sababtoo ah dadkaasi mala dhiiranaan ay ku qirtaan inay badali karaan noloshooda


sheekada guusha ibrahim alfiki


Sheekada Ibrahim Alfiki waa sheeko guul ah oo u qalanta in la sheego. I brahim

Alfiki waa nin u huray noloshiisa intii ugu badnay inuu dadka kale baro sida 

looga gudbo caqabadaha ka hor yimaada intay ku jiraan socdaalka ay guusha 

ku rabaan. Ibrahim alfiki wuxuu noloshiisa intii ugu badnayd ku bixiyay sidii uu 

u faafin lahaa fikir iyo akhlaaq tosan.

Wuxuu u arkay sheekada noloshiisa inay tahay tusaalaha ugu fiican ee qof 

gaadhay caanimo balaadhan iyo lacag isagoo kaliya aaminsanaa riyooyinkiisa 

ilaa ay dhab ka noqotay.

Noloshii Hore Ee Ibrahim Alfiki iyo Sida Uu Heerka KU Gaadhay

Ibraahim Alfiqi noloshiisii hore waxay ahayd mid ka duwan nolosha dadka kale. 

Wuxuu ku dhashay dalka Masar sanadku markuu ahaa 1950. Wuxuu degree 

jaamacada ee ugu horeeyay ku qaatay kuliyada dalxiiska iyo Huteelada. Kadib 

qalin jabintiisii waxay sanadku markuu ahaa 1978 isaga iyo xaaskiisii u 

socdaaleen dalka Canada si ay u helaan nolol fiican. Markii uu yimiday dadkii 

uu la kulmay ee Canada joogay waxay u sheegeen inuu dalkiisii iskaga noqdo 

maadaama aanay waqtigaa wadankaa ka jirtay camal la'aani. Ibrahim Alfiki 

lacagtii uu markaa haystay waxay ahayd $1000 oo kaliya dareenkaa xooganina 

muu niyad jabin balse Ibrahim wuxuu bilaabay inuu shaqo raadsado. 

Wuxuu galay waraysi shaqo mid kamid ah huteelada dalka waxaanu u sheegay 

maamulihii hoteelku "Kuma haboonid shaqada huteealada" Ibrahim wuxuu ka 

tagay halkii isagoo niyad jabsan balse wuxuu go'aansaday in aanu quusan.

Laba maalmood gudahoodna wuxuu helay laba shaqo. Labada shaqo tii ugu 

fiicnaydna waxay ahayd inuu xalo ama dhaqo saabaanka ama weelka cuntada 

laga cuno mid ka mid ah hoteelada dalkaasi. Inkastoo shaqadaasi aanay ahayn 

ta ugu fiican hadana wuu aqbalay shaqadii isagoo ku adkaystay inuu 

socdaalkan kasoo bilaabo meel aad u hooseysa ilaa uu ka gaadhayo meel sare.

Ibrahim wuxuu si dag-dag ah horumar uga sameeyay shaqadiisii marba marka 

ka dambaysana wuu sii dalacayay ilaa uu markii dambe noqdayba maamulihii 

huteelka, intaa kadibna wuxuu ku guulaystay abaalmarin ah maamulaha ugu

 fiican huteelada ee waqooyiga America, intaa kadib hadana wuxuu noqday mid 

kamid ah dhiirigaliyaayasha ugu weyn ee dalka Canada, dhamaan Carabta iyo 

Wadamo kaloo badan. 

Ibrahim wuxuu ku casho casuumay ninkii huteelka lahaa ee markii ugu 

horeysay diiday intii ay ku jireen wada hadalkoodana wuxuu u sheegay inuu 

yahay wiilkii yaraa ee barigii diiday.

Maxaynu Ka Barran Karnaa Sheekadan:

∑ Dadka Guulaha Gaadhaa Wax Muhiimad ah ma siiyaan diidmada: 

Ibrahim Alfiqi wuxuu takhasus-kiisu ahaa Hoteelada aqoon badana wuu 

u lahaa, balse markii ugu horeysay waxaa loo sheegay inaanu ku 

haboonayn ka shaqaynta huteelada, balse wuxuu ahaa qof aaminsan 

naftiisa dhagna umuu dhigin diidmadii lagala horyimiday ilaa uu markii 

dambe u cadeeyay qofkii diidanaa qaladkiisa. Hadii aad rabto inaad 

nolosha guul ka gaadho waa inaad ilawdaa diidmooyinka sababtoo

badankoodu wax micno ah ma sameeyaa.

∑ Aamin Naftaada: Sideebuu qof uu sii wadan karaa socdaalkiisa isagoo la 


kulmaya diidmooyin badan hadana aan rajo dhigayn? Dhamaan dadka 

guulaha gaadhay waxay si adag u aaminsanaayeen naftooda taasina waa 

sababta diidmooyinku aanay u gilgilin kalsoonida ay ka qabaan naftood

Post a Comment

2 Comments