Latest Article

6/recent/ticker-posts

5 Hab Oo Aad Ugu Diyaar Garoobi Kartid Isbeddelada Shaqo Ee Mustaqbalka

 Saban tagay mid wali  socdiyio saaka waxa jooga

Saddexdaa wakhti baa xaal aduun lagu sifeeyaaye

Soo noqod majiro shalay wixii saarufoo tagaye

Waxa saa danbeetiyo barrina waa su,aal maqane"

 Xaaji Adan  Af-qallooc Daraaseynta iyo dib u bilicsiga taariikhda waxa ka dhasha baraarug iyo dareen cayrinaya maskaxdaada oo ku aadan halkii shalay la taagnaa.

 Garashada waxa maanta taagan iyo arrimaha ka dhacaya hareerahaaga ee isbeddel shaqo ah taas oo beddelaysa xaaladdii dhaqan dhaqaale ee bulsho ku noolayd.

 Labaadaas dhugasho innaga oo isku daarayna in aynu saadaalinno isbeddelka ku iman kara suuqa shaqadu waa mid lagama maarmaan ah.

Cilmibaadhis uu sameeyey macadka Institute for the future, waxay saadaaliyeen in 85% oo shaqooyinka la qaban doono 2030 ayna weli jirinba ama aanay ahayn shaqooyin hore loosoo qaban jirey. Halkan waxaynu ku eegi doonnaa habab aad ugu diyaar garoobi karto isbedelladaasi mustaqbalka.

1=qiimayn

Umaduhu haddii ay ilaawaan khaladaadkii shalay hore u dhacay, Waxay ku celceliyaan ficilladii khaladka ay ku galeen.'' 

In aad qiimeyn saxa ku sameyso naftaada waxa ka dhalanaya ogaal-nafeed. Garashada halka aad kasoo dhaqaaqday shalay iyo maanta halka aad marayso si aad uga tilmaan qaadato halka aad mustaqbalka aad daneynayso gaadhisteeda. Qiimeynta waa sahanka hankaaga iyo hadafkaaga.

Yeelo dibu milicsi haddii aad leedahay xasuus qor aad ku sugto dhacdooyinka maalinle ee aad la kulanto.


Waydiimahan isku qiimee

1. Halka aan maanta joogo khibrad iyo xirfad ahaan ma guuleysan karaa mustaqbalka?

2. Yoolashii aan dejistay maxaa ka hirgaley? Maxaanse hirgelin? Sababtuna waa maxay?

3. Horumar intee leeg ayaan sameeyey?

4. Maxaan ku guuldareystay? Maxaanse ka bartay?


2=naftaada maamul(hogaami)

“Insaanku isaga ayaa u xogogaalsan naftiisa.

''Daar burburtay in la dhisaa way fududdahay, Damiir burburay in la dhisaase ma fududa.' 

Hoggaaminta naftu waa mid adag oo u baahan tababar badan. U diyaari naftaada laqabsiga iyo la jaanqaadka isbeddelada shaqada ee mustaqbalka jidh ahaan, maskax ahaan, shucuur ahaan iyo qiyam ahaanba. 

 Hoggaaminta nafta waxa ka dhalanaya shaqo wanaag, dad la dhaqan wanaagsan, dalacsiin, sharaf iyo guulo aad mahidiso oo aad gaadho (Ilaahay idamkii).

isku qiimee waydiimahan

 Habka aan naftayda u hoggaamiyaa ma ii hoggaaminayaa mustaqbal kan ka fiican?

 Caafimaad qabka maskaxdayda, jidhkayga, qiyamkayga iyo dareenkaygu halkee buu taaganyahay si aan mustaqbalka ugu guuleysto? (Ilaahay idamkii)

 Maxaan ku liitaa oo u baahan horumarin?

 Caadooyin nooceeya ayaan u baahanahay in aad horumariyo si aan mustaqbalka ugu guuleyso (Ilaahay idamkii)

3=malgalin

Haddii sannad walba aqoonta dunida taala laga gudbayo, baahida loo qabo curin lasocota nolosha bani-adamkuna aasaasi tahay.

 Waxa lagagama maarmaan ah in aad maalgeliso naftaada. Ku qalabee xirfaddaha nololeed iyo kuwa shaqo ee looga baahanyahay suuqa shaqada. Naftaada wakhti sii ay ku barato xirfaddo iyo waayo-aragnimooyinka kuu sahlaya marinnada nolosha.


Waydiimahan isku qiimee

1. Wakhti iyo aqoon heerkee leeg ayaan ku maalgeliyey naftayda?

2. Imisa buug iyo maqaal oo horumarinaya naftayda ayaan akhriyey sannaddii dhammaaday?

3. Hababkeen ku maalgelin karaa naftayda? (Ilaahay idamkii) Ma akhris? Ma xirfad barasho? Ma dad lasheekaysi?

4. Habkeen ukala xushaa hababka maalgelinta nafeed ee igu habboon?


4=toosnaan

Waxa Allah SWT Qur’aankiisa ku yidhi,"Mu'miniintow, giddigiin Alle u towbad keena; si aad dhammaantiin u libaantaan" Suuratu Nur: 32

“Isagu(Alle) ayaa idin sii yay shay walba oo aad waydiiseen.” Suuratu Ibrahim: 34

Xadiiskuna waxa uu leeyahay,”Hagaaji hungurigaaga(Waxaad cunayso), waxa aad noqonaysaa mid la aqbalo ducadiisa’e.

Garo xaqa ilaahay kugu leeyahay iyo nolosha danbaysa. Dhis cibaadaadaa oo ku dedaal salaaddaha waajibka ah, sunnayaasha, wardi qur'aan ah (maalinle) iyo Alle bariga. Ilaahay arrimahaaga oo dhan ayuu kuu sahlayaa.


waydiimahan isku qiime

1. Cibaadadeydu heerkee ayey maraysaa? Shanta salaadood wakhtigooda ma tukadaa? Sunnayaasha ma ilaaliyaa? Ma duceystaa?

2. Heerka wardiga qur'aan akhriskayga maalinle ahi ma jiraa? Heerkee gaadhsiisanyahay?

3. Maku dhaqmaa diinta? Ma fuliyaa waxa ilaahay iyo rasuulkiisu igu amreen oo maka tagaa waxay iga reebeen?

4. Hababkeen u horumariyaa cibaadadeyda? (Ilaahay idamkii)

5=mudnaan siin

Maahmaah ayaa odhanaysa, “Haddaad laba bakayle caydhsatid isku mar midna gaadhi maysid.”

Haddaad waxwalba isku dhexwaddo, waxba ka guul gaadhi maysid. Shalay haddii aad iwaydiin lahayd yoolashayda waxaan kuu sheegi lahaa 100 yool oo aan leeyahay. Maanta marka aan fahmayo kala mudnaansiinta yoolashaydana waxaan kuu sheegi karaa 3 da iigu muhiimsan.


Waydiimahan isku qiimee

1. Mudnaan masiiyaa shaqooyinka iyo horumarinta naftayda mise mededaalo ayaa wakhtigayga iga qaadata?

2. Shaqo haddii aan bilaabo ma dhameystiraa?

Post a Comment

0 Comments