Latest Article

6/recent/ticker-posts

CUDURADA AY HALISTA UGU JIRAAN HAWEENKA UURKA LEH

 Waxyaabaha ay tahay inaad ka ogaatid cudurka loo yaqaan pre-eclampsia ee 

dumarka uurka leh ku dhaca 

Cudurka Pre-eclampsia ee dumarka uurka leh ku dhaca aad ayuu uga caansan yahay sida dadka 

intiisa badani moodaan – dhab ahaantii waa kan ugu caansan ee caqabadaha adag ku ah 

dumarku markay uurka leeyihiin. Cudurka loo yaqaan pre-eclampsia wuxuu noqon karaa mid 

aad khatar u ah, xitaa nolosha qalqiil gelin karaya, xaaladdaas haddii si aad u hooseysa loo 

fahmana laga hor tagi karo. 

Xaqiiqooyin dhab ah oo ku saabsan cudurka loo yaqaan pre-eclampsia 

ee dumarka uurka leh ku dhaca 

muxuyahay cudurkan?

Waa xaalad jiro ah oo dhacda keliya xilliga dumarku uurka leeyihiin isla markaana waxyeellayn karta hooyada iyo canuggeeda aan weli dhalanin labadaba. Int…

Horay maloo sii saadaalin karaa uur qaadista kahore xilligaan lagu jiro? 

Maya xilligaan – taas waa sababta keentay in dumarka markasta lagula taliyo iska xaadirinta joogtada ah ee shaybaarradada caafimaadka 

dumarka uurka lihi muhiim ayuu u yahay iney lasocdaan caafimad kooda – laakiin dadka sida fudud cudurku ugu dhaco waa lasii ogaan karaa. 

miyaa laga hor tagi karaa cudurkaan?

Laguma kalsoonaan karo – inkastoo kuuro yar oo aaspiriinka ahi oo la qaato maalin walba 

dhakhaatiirtuna kawar haysaa ay u maleeyeen dhakhaatiirta qaarkood inuu wax ka tari karo 

xaaladaha qaarkood. 

Maxaa la gudboon oo uu qaban karaa qof horay waxyeello uga soo gaartay cudurka oo ay 

naftooda u tari karaan? 

Raadi talo bixin khibradeysan, ku adkeyso baadhitaannadii ugu dambeyay ee daryeelka 

caafimaadka dumarka uurka leh, marna ha u goynn ballan l…

Waa maxay sababta dhiig karka iyo kaadida sida joogtada ah loogu baadhaa 

xilliga xaamilonimada 

Dhiig karkaaga iyo kaadidaada waa in la baadhaa xilli kasta oo aad ballan ku leedahay 

shaybaarka daryeelka caafimaadka dumarka uurka leh. Sababtuna waxay tahay is beddalada ku 

yimaada dhiig karka iyo kaadida waxay noqon karaan calaamadaha dhibaatada ku dhacda 

xaamilada ee loo yaqaan pre-eclampsia. Tanina waxay ka dhigi kartaa adiga iyo canuggaaga 

mid aan u wanaagsaneyn haddii aan si horay ah loo ogaanin. Baadhitaannada joogtada ahi 

waxay  u fiican yihiin nabad qabka labadiinaba. 

waa maxay dhiikarku?

Dhiig karku waa xoogga dhiiggu ku bam gareeyo wareegga jirkaaga. Waxaa laga qiyaasaa 

cududdaada loona isticmaalaa cinjir buufsama. Dhiig karku waxa loo rikoor gareeyaa labo 

nambar ahaan: midka hore (iyo kan ugu sarreeya) nambarku wuxuu muujiyaa cadaadiska marka 

wadnuhu garaacayo; midka labaad wuxuu muujiyaa cadaadiska u dhexeeya garaacyada. Dhiig 

karka dadku waa ku kala geddisan yahay. Wuxuu sidoo kale isula beddalaa waqtiga maalinta iyo 

waxaad qabaneysid. Celceliska dhiig karka ee ah 110/70 or 120/80 waa mid iska caadi ah xagga 

dumarka.Laakiin laga yaabee in kaagu in yar ka sarreeyo ama ka hooseeyo isla markaana uu 

weli caadi kuu yahay adiga. 

Dhiig karka xilliga xaamilanimada 

Umulisadaada ayaa baadhi doonta dhiig karkaaga ballantaada kuugu horreysa ee shaybaarka 

dumarka uurka leh. Iyada ama dhakhtarkaagu waxuu baadhi doonaan mar labaad booqasho 

kasta.

maxaa dhacaayo hadii dhiikarkaygu sareeyo?

Walaaca, walwalka ama xarakaadku way kicin karaan dhiig karkaaga ilaa xad. Laakiin haddii uu 

sii nagaado, waxaa laga yaabaa inuu ku hayo cudurka. Ma jiro waddo cad oo u dhaxeysa dhiig 

karka caadiga ah iyo midka sare. Laakiin dhakhaatiirta iyo umulisooyinka waxay sida caadiga ah 

ka walaacaan akhrinta 140/90 ama kabadanba. Haddii dhiig karkaagu sarreeyo, umulisadaada 

ama dhakhtarkaagu wuxuu u baahan doonaa inuu baadho had iyo goor dhiig karkaaga. Waqti 

kasta oo baadhaan wa inay sidoo kale baadhaan kaadidaadana kana baadhaan borotiin. 

Baadhitaannada kaadida laga baadho borotiinta 

Kaadidaadu waxay bixinaysaa aragtiyada salka u ah caafimaadka adiga iyo canuggaaga. Waa in 

la hubiyaa ugu yaraan hal amar lagana baadhaa jeermiska, kaas oo lagu yaqaan sida caadiga ah 

xaamilanimada. Laakiin waa in la hubiyaa ballan kasta lagana baadhaa borotiinta, taas oo u 

noqon karta calaamad lagu garan karo cudurka loo yaqaan pre-eclampsia. 

Sida tijaabooyinku u shaqeeyaan 

Umulisadaada ama dhakhtarkaagu wuxuu dhex dhigayaa warqad yar oo dhuuban oo loo yaqaan 

(dipstick) kaadida tijaabada ah ee cusub. Tijaabadu waxay muujinaysaa haddii borotiin laga 

helay iyo inta borotiin ah ee kujirta kaadida. Qadarkii yar ee borotiin ah ee laga helo kaadida 

waxaa lagu qoraa faahfaahintaada sidii 'raad raac" ahaan. Tanina ma ahan wax laga walwalo. 

Wixii ka badan raad raac borotiin ah waxaa loo carrifaa sidii hal ama saa'id + calaamado ah. 

maxaa dhacaayo hadii borotiin layga helo?

Haddii lagaa helo hal + ama kabadan oo borotiin ah iyo dhiig kar dare, caadiyan waxaad qabtaa 

cudurka pre-eclampsia waxaadna u baahan doontaa daryeel dheeraad ah. Kaadidaada waxaa 

laga baadhi karayaa waxyaabaha kale ee keena borotiinta, sida jeermiska. Haddii taa lagaa 

helo isla markaana la daaweeyo markaa kadib borotiinku waa la waayi doonaa isla markaana 

uma baahan doontid daryeel dheeraad a

Haddii aad qabtid cudurka pre-eclampsia

Cudurka loo yaqaan Pre-eclampsia iyo adiga 

Mar isbitaalka lagu geeyo dhiig karkaaga iyo kaadidaada waa la baadhayaa sida qaalibka ah. 

Haddii dhiig karkaagu aad kor ugu kaco – 160/100 ama kabadan – waxaad u baahan tahay 

daawooyin lagu xadido cudurka. Laakiin dawooyinkaasi maahan kuwo waxyeelaya canugaaga 

aan weli dhalanin. Cudurka Pre-eclampsia wuxuu wax yeeli karaa qaybo badan oo kamid ah 

jidhkaaga, waxaana lagaa baadhi karaa dhibaatooyin ku leh beerkaaga, kalyaha iyo nidaamka 

xinjirowga dhiigga. Dhakhaatiirta iyo umulisooyinka ku daryeelaa waxay u baahnaan doonaan 

inay ogaadaan haddii aadan caafimaad qabibn maxaa yeelay taas macnaheedu waxay noqon 

kartaa jirradii waa sii xumaanaysaa. 

Cudurka Pre-eclampsia iyo canuggaaga aan weli dhalanin 

Cudurka loo yaqaan Pre-eclampsia wuxuu sidoo kale waxyeello u geysan karaa ilmahaaga aan 

weli dhalaninj. Ilmahaasi wiil iyo gabadh tuu doono ha noqdee si joogto ah ayaa loo baadhi 

doonaa lagana baadhayaa koriin xumada iyo calaamadaha kale ee caafimaad darrada. 

Dhallaanka qaarkood way iska caafimaad qabaan xitaa marka hooyooyinkood u qabaan cudurka 

si aad u daran. Laakiin haddii canuggaagu aanu caafimaadkiisu wanaagsaneyn dhakhtarkaagu 

wuxuu talo ku bixin karaa dhalitaan hore. 

Dhalashada iyo wixii ka dambeeya 

Cudurka loo yaqaan pre-eclampsia marka la qabo waxaa jira fursad sare oo aad ku helaysid 

dhalashada la qabsigeeda ama qaybta loo yaqaan caesarean. Ilmahaaga iyo adiguba waxaa 

dusha ayaa lagala socon doonaa xilliga lagu jiro foosha iyo dhalashada. Kadib markii canuggu 

kuu dhasho waa in aad si dhakhsa leh u caafimaaddaa. Laakiin waxay qaadan kartaa maalmo 

yar, toddobaadyo ama xitaa bilo in dhiig karkaagu sidii caadiga ahayd ku laabto. Haddii 

canuggaagu ku dhasho asagoon bilihiisii dhameysan ilmahasi wuxuu u baahan karayaa daryeel 

gaar ah ilaa muddo. I lmihii dhicis ah ama kasoo reysta ama aan xilligiisii dhameysan waa in uu 

wanaagsanadaa. 

Khaladka adigu ma lihid! 

Cudurka Pre-eclampsia ma keenaan nolol xumada dabeecada ahi ama ka hortagga kuwa 

wanaagsan. Dhiig karka waxaa keena jirro ee ma keenaan walwal, walaac ama shaqada adagi. 

Eedda ma lihid adigu. 

Haddii jirro ku qabato.. 

Dumar badan ayaa dareenkooda caafimaad wanaagsan yahay marka loo eego cudurka pre-

eclampsia. Laakiin jirro dareenku waxay noqon kartaa calaamaddii ugu horreysay ee ah inaad 

qabtid jirrada - ama in xanuunku sii badanayo. 

calaamadaha cudurka

Waxa ay tahay in la ogaado 

• Madax xanuuno aad u xun oo aan kaa tageynin 

• Aragti xumo, nalal walalac leh ama humaagyo hor cararaya indhahaaga 

• Xanuun daran oo feedhahaaga ka hooseeya, gaar ahaan dhinaca midig 

• Matag (aan ahayn 'wallaca' xaamilanimada hore) 

Calaamadahaani had iyo goor macnahoodu ma ahan in aad qatid cudurka pre-eclampsia, laakiin 

si aad u nabad qabtid 20 toddobaad kadib la soo xiriir xeel dheerahaaga caafimaad hal mar.

Post a Comment

0 Comments