Latest Article

6/recent/ticker-posts

FADLIGA BISHA RAMADAAN

  Bisha ramadaan waa bil kamida bilaha, taasoo ilaahey doortey in 

adoomadiisu ay soomaan oo ku faral yeelay, bishan waxey 

wada kheyr aad u fadli badan oo illaahey ku gaar yeelley, taasoo ay
lagama maarmaan tahay in laga faaiideysto kheyrkeeda. 

FADLIGA BISHA RAMADAAN. 

 Bisha Ramadaan waxay leedahay Fadli badan oo Ilaahay ku gaar 

yeelay, Fadligaa waxa ka mid ah:-

1. In ilaahay SW Qur'aanka soo dejiyey Bisha Ramadaan, Gaar ahaan 

habeenka Laylatul Qadriga sida aaydaha ku jira suuratul Dukhaan 

tilmaamayaan " Waxa uu Rabbi yidhi "Waxaan soo dejiney 

(quraanka) Haben barakaysan,(laylatul Qadriga)." 

2. In marka bisha Ramadaan bilaabanto la furo Albaabada Janada, la 

xidho 

Albaabada Naarta, Shaydaanada waaweyna la xidh xidho sidaa waxa 

tilmaamay 

Nebigeena NNKH isagoo yidhi: "Marka Ramadaanku yimaado waxa la 

furaa Albaabada janada, waxa la xidhaa Albaabada naarta, 

Shaydaanada waa la xidhxidhaa". Waxa weriyey Bukhaari iyo muslim

Fadliga Ramadaanka iyo qiimahiisa oo xadiisku sheegay. 

* In marka Ramadaan soo galo la furo Albaabada janada taas oo 

macnaheedu yahay khayrka janada lagu gelayo oo badanaya. 

* In la xidho albaabada Naarta taas oo macnaheedu yahay in camalka 

naarta lagu galaa yaraanayo. 

* In la xidhxidho shaydaanada, shaydaanku bisha ramdaan sidii uu 

muslimiinta ugu awooda badnaa uguma awood badna, kiisa 

waaweyn ee dunuubta dadka ku ridana waa la xidhaa oo shar kuma 

ridi karo, Riwaayadaha qaar waxay sheegeen in shaydaanka kiisa 

madaxa adag la xidhxidho, taas oo laga fahmi karo in aan dhamaan 

shaydaanku xidhxidhnayn ee kiisa yaryari fasaxna yahay. 

3. In ilaahay u denbi dhaafo qofka sooma bisha isagoo rumaysan, 

ilaahayna ajri kaga doonaya, Sidaa waxa inoo sheegay Nebigeena 

NNKH wuxu yidhi: " Qofkii sooma Ramadaanka isagoo rumaysan 

ilaahayna ajri kaga doonaya waxa loo dhaafaa denbigiisii hore." 

Waxa weriyey Bukhaari iyo muslim.

FAA'IIDADA XADIISKA. 

# Xadiisku wuxuu inoo sheegay in laba shardi qofkii laga helo 

soonkiisa in loo denbi dhaafayo. 

1. Qofkii sooma isagoo rumaysan waajibnimada soonka iyo in ilaahay 

faral kaga dhigay gudashadiisa. 

2. In qofku Ajrina kaga doonayo ilaahay oo aanu soonku culays iyo 

dhib ku ahayn ee ku farxsan xukunka alle, In loo dhaafo denbigiisii 

tegey oo ah denbigii yaryaraa ah , denbiga waaweyn wuxu u baahan 

yahay toobad keen . 

# In ilaahay si gaar ah uga sheegtay Soonka Camaladii kale ee la 

qabanayey, mushqaayada <abaal marintiisa> soonkana uu yidhi 

anigaa bixinaya. 

DHACDOOYINKII DHACEY BISHA RAMADAAN.

Dhacdooyinka taariikhiga ah ee dhex dhacay bishan barakaysan ee 

ramadaan way fara badan yihiin, waxaana kamid ah kuwan hoos ku 

xusan: 

1. Sidaan wada ognahay bisha ramadaan dhexdeeda waa bishii 

nabigeenna (s.c.w) Waxyiga ku billowday.

2. Sidoo kale ramadaanka dhexdiisa sanadkii 10aad ee bicthada 

nabigeenna (s.c.w) ayuu dhintay Abii dhaalib oo ahaa nabiga (s.c.w) 

adeerkii, wax bandanna ka difaaci jirey hagardaamadii ree 

qureesheed ay nabiga ku hayeen.

3.Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 8aad ee soo saariddii nabiga ayaa la 

oofsaday nabiga xaaskiisii ugu horraysay ee uu sida aadka ah u jeclaa, 

ahaydna ruuxii koowaad ee rumeeyo dhambaalkii uu nabiga siday, 

waa hooyadii mu’miniinta khadiija bintu khuwaylad. 

4. Ramadaanka dhexdiisa Sanadkii 1aad ee hijrada waxaa la 

sharciyeeyay Aadaanka, kadib markuu riyo ku arkay Cabdullaahi binu 

zayd. 

5. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 2aad ee hijrada ayaa la jideeyay 

salaadda ciidda.

6. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 2aad ee hijrda waxaa la 

sharciyeeyay Zakaatul fidriga. 

7. Bishan ramadaan dhexdeeda isla sanadkii 2aad ee hijrada ayeey 

ahayd markii uu Allaah guusha siiyay rasuulka iyo asxaabta dagaalkii 

lamagac baxay dagaalkii Badar. 

8. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 8aad ee hijrada wuxuu Allaah 

gacanta muslimiinta soo galiyay oo la furtay magaalada barakaysan, 

ahna qiblada muslimiinta ee Makkah al-mukarramah markaa ayeey 

dadkii diinta usoo galeen kooxo-kooxo. 

9. Ramadaanka dhexdiisa sanakii 11aad ee hijrada waxaa la oofsaday 

gabadhii rasuulka ee Faadimah bintu rasuuli LLAAH.

10. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 40aad ee hijrada waxaa shihiiday 

khaliifkii afaraad ee muslimiinta Cali biu abii-daalib. 

11. Ramadaanka dhexdiisa sanadkii 58aad ee hijrada waxaa la 

oofsaday hooyadii mu’miniinta ee ahayd xaaska kaliya ee uu rasuulka 

(s.c.w) iyadoo gabadh ah guursaday, si aad ahna uu u jeclaa waa 

Caaisha binti abii-bakar. 

12. Ramadaanka dhexdiisa ayeey ahayd sanadkii 92aad ee hijrada 

markii ay muslimiinta furteen اندلس) spain) wuxuuna ALLAAH ku furay 

gacanta Daariq binu ziyaad.

Post a Comment

0 Comments