Latest Article

6/recent/ticker-posts

WAX KA OGAAW GANACSIGII GUULEYSTAY


wax maka ogtahay wiilkii yaraa ee kobha dadka ugu mayri jiray muqsusha hooyadii dhexdeeda waxaanu kahadleynaa wiilkii ree jarmal ee { adolf dassler}

wiilkaan yar dhibaatada haysatay ayaa waxey ahayd in kobaha uu kuciyaaro kubada cagta ay aad uxanuujin jireen wuxuuna raadiyay xalka dhibaatadaas hesato asaga iyo  bulshadaba

sifudud hadii aad dooneysid ganacsi guulaystay inaa sameysid waxba meel fog haka raadin bulshada halkaas joogta dhibaatadooda eeg kadibna xal ukeen 

tusaale shirkada { dahabshiil} ood wada garanaysaan waxay xal ukentay mushkilad jirtay oo ahayd in qof dibada joogo uu lacag usoodiro qof dalka joogo mantana waa adinka arka ganacsigooda heerku maraayo kasoo gudub { hormuud telecom}maxay bulshada kuso kordhisay dhibaata jirtay ayee ka xalisay oo ahayd isgaarsiin la aan maantana waa adinkaa arka ganacsigooda heerka uu maraayo

hadii aad rabtid inaa samaysid ganacsi guulaystay isku day inaad heshid dhibaatada jirta kadibna xal aad uheshid mushkiladaas 
aan usoo laabano {adolf dassler} wuxuu xal ukeenay dhibkii ahaa koba xumida heysato wuxuuna ku fikiray maad samaysid shirkad soosaarta kobaha sportiga oo  kuwaan suuqa yaala ka taya wanaaagsan ee ay ku dhibanyihiin asiga iyo qeerkiiba 

fikradaas wuu haystay {adolf} ilaa uu kadhacaaye dagaalkii kowaad ee dunida markii uu dhacay dagaalweynihii koobaad ee aduunka wadanka jarmalka waxaa lagu soo rogay cunaqabatayn aad udaran maadadaama uu ahaa dhankii laga guuleystay taasina waxay sababtay{adolf} in hooyadii iyo aabihiiba ay waayan shaqooyinkoodii kuwaaso rerka biilaaye 

adolf asagoo ogaa in shirkado waaweyn ay suuqa kujiraan macamiilna haystaan oo kobaha sportiska soo saara hadana wuxuu aaminsanaa in shirkadiisu kobaha ay soosarto ka taya wanaagsanan donan dhamaan waxa suuqa yaala tayadoodana uu kuheli doono macaamil fara badan 

si uu uxaqiijiyo goolkiisa ahaa in kobahiisu taya yeeshaana wuxuu bilaabay inuu soo aruuriyo xog 
xogtaasna wuxuu kasoo qaadanaayay ciyaartoyda kuwa kubada cagta ciyaara iyo dhamaan sports yahanada ay dhibaan kobahan asaga laftiisa dhibay asagoo weydiinaya su aalo simbal ah oo ay kamid ahaayen kobahan halke bay kaa xanuujiyaan? maxaa ku dareenta xirashooda? intee kaa dhibaan 

xogtaas uu kahelo dadka ayuu ku dabaqay samaynta kabaha asagoo sidii shaqada uwada 4 sano kadib waxaa kusoo biiray walalkiis kayar {rodof dasler}

waxay yiraahdeen maadaama aan labo noqonay shaqada aan kala qaybsano  adolf oo ahaa ninka weynaa waxaa loo xilsaaray  qebta soosaarida iyo nashqadeenta kobaha 
midka kale waxaa loo xilsaaray inuu iibgeeyo maadama uu ahaa nin furfuran oo ka furfuran adolf na uu ahaa nin aamusan lakin shaqa badan labadoodii sidi ayee kuwada shaqeesteen

mudo yar  kadib kobihii dassler waxay kubaaheen gabi ahaanba yurub oo dhan sanadii 1924 kiina waxay aas aaseen warshadoodii ugu horeysay waxayna ubixiyeen {warshada walaalaha dassler ee soo saarta kobaha sportiga}
waxayna warshadooda noqotay warshadii ugu horeeysay ee nooceeda ah ee laga sameeyo qaarada yurub

waxaan oran karnaa 2da sababood ee ugu muhiimsan ee sababay in muda yar ay hormarkaas balaaran kusameysay warshadii dasssler waxay ahayd adolf oo ahaa farsama yaqaan aad uwanaagsan ayna ka go neyd in uu wax taya leh soosaaro iyo walalkii rodof oo ahaa qof aad ugu wanaagsan iibinta oo ahaa qof aad u furfurana oo waxa ay soosaaraana suuq gayn kara 
taasna waxay keentay in shirkadoodii noqotay mid hirgasha aduunka oo dhana laga yaqaano yurubna xitaa kasoo gudubtay 

arintaas waxay  keentay in xulkii kubada cagta ee jarmalka iyo xulkii olonbikada labadaba ku qancaan inay isticmaalaan una xiraan ciyartoyda dalka jarmalka kabahaan ay soo sarto shirkada dassler

labadii nin ee walalaha ahaa ayagoo sidii uwada shaqeeya ayaa waxaa dhacday inuu guursado ninki weynaa ee adolf kadibna islaantiisi ay bilaawdo inay kala hadasho shaqada uu qabto iyo in uu walalkiis ka yar ku shaqeesto ayagoo  waxey soosaarna kala qebsan jiray oo qof walbo wuxu qaadan jiray 50% kiiba 

adolf ayaa walalkii u yimid wuxuuna usheegay in uu rabo in ay kala baxaan oo xoolahooda kala qaatan ayagoo  arinkooda meshaa maraayo aya waxaa bilaawday  dagaalkii 2aad ee dunida markuu dhamaaday dagaalkii 2aad ee dunida sanadkii 1945kii  waxaa la xiray 2dii walalha ahaa maadaama ay katirsanaayen xizbigii {adolf hidler}
soo dayntoodii kadib markay kasoo baxeen xabsiga sanadkii 1948kii waxaa bilaawday cadaawadi dhabta ahayd ee udhaxeeysay 2 dan nin

kadib markii rodof uu furtay warshad asaga ugaara oo sosarta kobaha ee aad wada taqanaan {puma}
shirkada {puma} waxaa aas aasay rodof dassler sanadkii 1948kii
halka walalkii adolf na uu aas aasay shirkada caanka ee wada taqanaan{adidas}

adolf waa ninka aan sheekadiisa u socona e sanadkii 1949kii na wuxuu soosaaray kobo tayadooda loobogay dunida oodhana shirkadiisii yareed laga aqoonsaday wuxuuna shirkadiisi yared ula baxay { adidas}waxaa si rasmiya shirkadiisa loo diiwaan galiye sanadkii 1949 kii d'a diisuna waxay aheeyd 49 sano
isla sanadkaas shirkada adidas waxay soo saartay kobihii ugu horeeye ee ku sawiran calaamada 3dexda xariijimood oo noqon doona loogada caanka ee adidaas 
wax yaabihii hormarka shirkada adidas u horseeday waxaa kamid ahaa 1994kii markii ay xulka jarmalku ku guuleystay koobkii aduunka waxaana lasheegay in ciyartoyda badankood ay xirnaayen kobaha shirkada adidaas isla sandkaasna wuxuu iibiyay 300,0000 kun oo koba ah

hormarka dhaqaale waa fikrad iyo ficil
 noqo oo isku day inaad wax aburto kadibna aad hirgaliso wax walbo aad qabaneysidna sida ugu haboon u qabo
                                     
                                                  mahadsanidiin


Post a Comment

0 Comments