Yezakadu ku waajibtaa
Waxay kuwaajibtay muslim (gaal maya) xor ah (adoon maya) oo haysta maal zaka gaarey (nisaab)
noockasta hanoqdo ee noocyada maalka oo zakadu kuwaajibto.
Zakada maalka ilmaha yar
Qofka yar iyo kanwaalan zakadoodu waxay kuwaajibaysaa inuu kabixiyo maalkooda haduu gaaro nisaab
qofka weligooda ama masuuliyadooda haya.
Qofka deynka qaba
Qofkii haysta maal zako kawaajibtey islamarkaana deyn qaba wuxu kabixinayaa deynta, intasoo hadhay
ayuu kazakeynayaa haduu gaaro nisaab hadiise nisaabkii nusqaamo wax zakaa dushiisa lagumalaha
sababtoo ah xaaladaas lajoogo waa sabool (faqiir)
Qofkii dhintay asagoo laguleeyahay zako
Qofka dhintay isagoo dushiisa laguleeyahay zako waxay ku waajibaysaa maalkiisa, waxana lahor
marinayaa zakada intaan lasiin dadka deyntakuleh, iyo dadka meydku udardaarmay inmaalka
waxlagasiiyo,iyo kuwadhaxalka leh kuwaasoo dhami waxay sugayaan markii zakada lagadhiibo maalka lagadhintay,
waxana loo daliishanayaa xadiiska lagaweriyey ibnu cabaas asaga iyo aabihiisba Allaha karaali
noqdee wuxu yiri nin ayaa uyimid rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markaasuu ninkii
yiri hooyaday ayaa dhimatay ayadoo laguleeyahay bilsoonkeed ee makagudaa (makasoomaa) Markaasuu
yiri rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee (hadii hooyadaa deyn qabto miyaadan
kagudeen?) markaasuu ninkii yiri haa waanka bixinlahaa, markaasuu yiri (deynta Alle ayaa xaqmudan
inlagudo) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim.
Shuruuda Nisaabka{zaka goyska}
1- Waa inuu ahaadaa zakadu wax kasaa ida qofka xaajadiisa, taasoo anu kamaarmi karin
qofku, sida contadiisa, dharkiisa, gurigiisa, gaarigiisa ama gaadiidka uu raacayo markuu
meelrabo inuu aado, iyo qalabka shaqada,
2- Waa inuu kasoo wareego sanad (12 bilood) lagasoo bilaabo maalintuu gacanta kudhigay
maalkaas gaaraya nisaabka, waana lagama maarmaan sanadkoodhan inuu maalku kaamil
yahay ee waxnusqaana aney kudhicin, haduuse nusqaamo sanadka dhexdiisa hadana kaamil
noqdo marlabaad waxaloo fiirinayaa markuu kaamil noqday oo markaas ayaa lagasoo
bilaabayaa tira sanadeedka.
Imaamu Nawawi wuxu yiri mad habkayaga, mad habka Maaliki, mad habka Axmad, iyo
jamhuurta culimada waxay qabaan in looshardiyo maalka zakadu kawaajibto cayntiisa sida
dahabka, fiddada,iyo xoolaha soofa, inuu joogto yahay nisaabku sanadka dhamaantiis, hadiise
nisaabkii nusqaani kudhacdo daqiiqad sanadka kamida,markaas waxa go’ aya tirsigii sanadka
ee lootirinaayey maalka, haduu markaas kabacdi kaamil noqdo maalkii markaas ayaa tirsi
horle loobilaabayaa.
Abuu xaniifa wuxu yiri: waxa kaliya oo lafiirinayaa sanadka awalkiisa iyo aakhirkiisa oo hadii
nisaabkii kaamil yahay markuu sanadku dhamaado wax dhiba malaha nusqaanta kudhacday
sanadka dhexdiisa, wuxu yiri xataa haduu qofku haystay laba boqol oo dirham markaasna
ayka baaba aan haldirham mooyee intiikale, ama afartan ariya ayuu lahaa markaasaa waxa
ugasoo haray halneef oo kaliya sanadka dhexdiisii,markaasuu dhamaadkii sanadka wuxu
helay afartankii iyo wax kasiibadan waxa lagarabaa zakada maalkaas oodhan.
Shardiga Niyada Zakada Marka Labixinaayo
Zakadu waa cibaado waxaana loo shardiyaa ansixideeda niyo, niyadaasina waa in qofka
zakada bixinayaa u qasdo wajiga Alle, wuxuuna kuraadinayaa zakadaas abaal marinta Alle,
wuxuuna kago aaminayaa qalbigiisa inay tahay zakadaasi waajib dushiisa ah, Kitaabka Alle
sida kucad suuratul bayinah aayadda –5aad, waxaana kucad in Alle keligiis diinta lookhaalis
yeelo
(loobarax tiro) oo ancidna waxba lala wadaajin, Waxa kaloo daliil u ah xadiiska kusugan
saxiixul bukhaari, rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee waxa laga weriyey
inuu yiri: (Acmaashu waa niyada qofkastaana wuxuu leeyahay wuxuu niyoodo)
Zakada Gudashadeedu Waa Waqtiga Aywaajibto
Waxa waajiba zakada inloo bixiyo sidegdega markay waajibto, waxana xaaraam ah in lagadib
dhigo bixinteeda markay waajibto, inay bixinteedu suuroobi weydo maahee oo markaas waxa
banaan dibudhigid ilaa ay suurowdo bixinteedu, taasna waxaa daliil u ah xadiiska kusugan
Bukhaari iyo Axmad, Cuqbata ibnu xaaris wuxuu yiri:
waxaan latukadey salaad casar Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, markuu
salaama naqsaday ayuu ukacay si degdega wuxuuna ugalay qaarkamida xaasaskiisa hadana
waasoo baxay markaasuu wuxuu arkay waxa kamuuqda wajiyada saxaabada ee ayla yaabsan
yihiin degdegiisa, markaasuu Rasuulku nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee wuxu
yiri: (waxan xasuustay anoo salaadda kujira tibran(gabal yar oo dahaba) ee nooyaal oo waxaan
nacay inuuku galabaysto ama kubaryo agtayada markaasaan waxan amray in laqaybiyo)
<script async src="https://pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js?client=ca-pub-6176983335550131"
crossorigin="anonymous"></script>
0 Comments