Si aan Su'aashaas uga jawaabno waa lagama maarmaan in aan xusno sida ay ku bilaabatay fursadaan ganacsi. Suuqaan sarrifka ee casriga ah waxa u salka ku hayaa oo uu kasoo farcamay aragti gun ah oo isaga wax badan ka horeysay,
dadku in ay lacagaha iyo wixi qiima leh ay isku beddeshaan waxa ay kasoo bilaabmatay casrigii Baabiliyiinta, Roomaanka,
Giriiga yo Masaarida. Taariikhyahanadu waxa ay xusayaan in boqortooyooyinkaasi ay lacag ahaan u isticmaali jireen shilimaad ka samaysnaa Dahab yo Qalin.
Musaafirin baayac mushtar ah ayay shexdooda isku soo gali jireen iyada 0o koox walba ay soo rartaan lacagtii
laga isticmaalayay deedna marka ay dhul kale oo aan koodii ahayn yimaadaan lacagtoodii ayay ku
beddelan jircen lacagta dhulkaas laga isticmaalo si ay ugu adeegtaan deedna ay dhulkoodii ugu laabtaan.
Boqolaal sano markii ay dadku sidaas wax u kala wareegsan jireen markii dambe waxaa mushkilad noqotay in la xamaalo culayska shilimaadkii Dahabka iyo galinka ahaa, deedna waxa
aybilaabeen in, halkii Dahabka lasoo gaadi lahaa u qofku soo qaato warqad shahaado ah o dawlad ama boqortooyo dhulkaas ka jirtay ay soo saxiixday, warqadaas oocadaynaysa in Dahab tiro intaas le'eg u meel heblaayo yaal warqadaanina ay cadaynayso
deedna qofkii u wax ka ibsanayay uu warqadii shahaadada ahayd ku wareejiyo kadibna u qofkaasi Dahabkii
isagu ka doonto isagoo warqadaas isitcmaalaya.
Warqadaas shahaadada ah e Dahabka damminka ka ahayd ayay ka timi lacagta warqada ah e aynu maanta isticmaalno.
Taariikhyahanadu way isku khilaafsanyihiin halkii ay marküi u
horeysay ka bilaabatay in warqad yar oo jeebka la galin karo aan lacag ahaan u isticmaali karno, balse waxa
ay iskuraacsanyihiin lacagta warqadda ah in ay ku timi in ay dammiin ka tahay Dahab culus oo a n lasoo qaadi karin safarna lala galikarin,
deedna halkii qofka musaafirka ahaa un Dahab lasoo safri lahaa ayuu warqadaas lasoo safrayaa, deedna uu qofka uu wax ka gadanayo u warqadaas sinayo, kadibna gofkii au warqadaas isna hadhoow Dahab ku beddelanayo.
Bilowga garnigii 20-aad ka hor inta uusan bilaaban dagaalkii koowad e aduunku ayay dawladihii yo maamuladii
dunideena casriga ah ka jiray oo idil waxa aybilaabeen in ay lacago waraaq ah dhammaantood daabacdaan, deedna warqadaas qiimaheeda u dammiin ka ahaado inta ay Dahab
ahaan u dhigmi karto, aragtida noocaas ahna waxaa loo bixiyay aragtidii Hal-beegga Dahabka.
Intaas kadibna baayac mushtarkii iyo dadkii ganacsatada ahaa marka ay dalal kale wax kasoo libsanayaan waa in lacagti
dalkooda ay kala yimaadeen ku beddelaan lacagta dalkaas ay
wax ka gadanayaan si ay badeecooyin iyo adeegyo uga ibsadaan dalkaas gudihiisa.
sida o kale isla waqtiyadaas ayay bilaabeen inta badan Bangiyadi caalamiga ahaa e jiray in ay ogolaadaan aragtida Hal-beega Dahabka o ahayd in lacagaha dalalku ay samaysteen o idil Dahab lagu beddelan karo, lacag walbana
gimaheeda lagu jaangooyn doono inta ay Dahab ahaan u dhiganto.
Sanado badan ayay dunidu sidaas kusoo jirtay, hase ahaatee dalalka oo ku kala duwanaa kaydka Dahab ee ay haystaan ayaa
waxa ay keentay kala fogaansho dhaqaale iyo sicir barar lacageed 0o soo laalaabtay markaas kadib ayaa la hindisay nidaamkii la magac baxay Nidaamkii Bretton Wood.
Nidaamkaan Bretton wood waxa uu ka dhashay shir ay
dhammaadkii dagaalkii labaad e aduunka ka dib ay iskugu yimaadeen dalal ay ka mid ahaayeen USA, Canada, Australia, Japan yo inta badan dalalka ku yaal Galbeedka Europe. Shirkaan oo qabsoomay July 1944kii ayaa waxa u ka dhacay magaalo yar oo la yiraahdo Bretton Woods oo ku taal Gobolka
New Hampshire eedalka Maraykanka.
Qorshaha shirkaani waxa un ahaa in la fariisiyo nidaamka dhaqaalaha aduunka e caalamiga ah dawladaha oo idilna,
sidaas ayaa ay dantu
ugu jirtay sababuna waxa ayahayd markaas lagasoo baxay dagaal dunida oo idil saameeyay.
Dawladaha kasoo qayb galay shirkaan ayaa hadafkoodu ahaa in ay isku raacaan waajibaadyo dhammaantood ka saaran ka hortagga dhaqaale burbur dambe o yimaada. Shirkaan 0o 22 maalmood socday ayaa lagu gaaray
go'aamo waaweyn 00 dhaqaalihii aduunka dhanka kale u jeediyay.in Nuxurkii ugu
weynaa ee shirkaan ka dhashay wuxuu ahaa nidaamka Bretton wood
0o lagu beddelay nidaamkii ka horreeyay e Hal-beegga Dahabka. Nidaamka Bretton Woods waxa u ahaa in lacagta Doollarka Maraykanka keliya ay ahaato lacagta lagu qiimaynayo inta
ay Dahab ahaan uga dhiganto, halka lacagaha kale e aduunka
oo idilna lagu qiimeynayo inta ay Dollar uga dhigmaan.Go'aankaan waxaa
sabab u ahaa in Maraykanku u haystay kaydka Dahabka e aduunka ugu badan dalalka kale e dunida
o idilna aysan haysan Dahab ku filan oo lacagahooda lagu
qiimeeyo, deedna halkaas lagu alifay in dal walba lacagtiisa un
ku qiimeeyo inta ay Doollar uga dhiganto deedna Doollarkaas hadhoow lagu qimeeyo inta u Dahab uga dhigmo.
Arrintaan ayaa keentay in dalka Maraykanku u lacag Doollar ah 0o kayd ah uu u daabaco dalalkii kale aduunka, taasi 0o Maraykanka siisay faa'ido ah in lacagtiisa Doollarka ahayd ay noqoto mid aduunka 0o dhan gaarta, dalalka kale lacagahoodana ka awood badata.
Sida oo kale Natiijooyinkii shirkaan kasoo baxay waxaa kamid
ahaa samayntii Laba hayadood oo muhim u ahaa horumarinta dhaqaalaha caalamiga ah e casrigeena. Hay'ad ahaan ayaa loo sameeyay si looga kabsado haddii dal ay
soo wajahdo dhagaale burbur iyo sicir barar iyadoo aan lacagta dalkaas qimaheedu uusan dhulkagalin.
Hay'adda koowaad e Shirkaan lagu sameeyay waxa ay ahayd ha y 'adda l a c a g ta a d u u n k oo loo s o o g a a b i y o MI F
(International Monetary Fund) Ujeedka loo sameeyay IMF ayaa ahaa ni ay lacag ammaahiso dalalka dhaqaale xumidu soo wajahdo si uusan dalkaasi u daabicin lacag badan oo keeni
karta sicir barar yo dhaqaalahooda oo sii xumaada. sida 0o
kale IMF qorshayaasha loo abuuray waxaa kamid ahaa in ay fududeeyaan ganacsiga xuduudaha ka gudbaya e ay dalalku
dhexdooda adeegyo iyo badeecooyin kala wareegsanayeen.
Hay'adda labaad e shirkaan lagu sameeyayna waxa ayahayd Bangiga aduunka e imminka loo yaqaan (World Bank) Hadafka laga lahaa samayntiisa waxa uu ahaa in uu dalalka soo
Koraya ka caawiyo sidii ay ku hormarin lahaayeen dhaqaalahooda.
lasoco par 2 mahadsanid
0 Comments