Latest Article

6/recent/ticker-posts

Astaameynta Qoraalka

 1. Joogsi 

2. Calaamadda Su`aashaedo.

3. Calaamadda Yaabka 

4. Hakad 

5. Joogsi Dhiman 

6. Laba Dhibcood 

7. Kolmaha Xigashada 

8. Xarafka Weyn 

9. Calaamadaha Muujinta ama Xoojinta 

10. Laba Bilood  

11. Tirada 

12. Taariikhda iyo Saacadda

dhawaaqa, dareenka wejiga ka muuqda, dhaqdhaqaaqa xubnaha jirka; iyo sidoo 

kale, neefsashada, aamusidda iwm ayaa ka qaybqaata habaynta hadalka. Qurux 

ay u yeesho ka sokow, habayntaasi waxay suurtagelisaa in hadalka la fahmo. 

Sidaa hadalkaba loo habeeyo, waa in qoraalkana hanaan iyo habsami loo qoraa. 

Waxyaabaha erayada ka baxsan, ee ka qaybqaata gudbinta macnaha iyo 

habaynta hadalka, iyagoo calaamado ah, waa in lagu daraa qoraalka. Taas

ayaana loo yaqaanaa astaamaynta qoraalka ama dalaynta qoraalka iwm, ama 

(punctuation) (الترقيم عالمات .(Qoraalkan waxaan ku adeegsannay eraybixinta 

(Astaamaynta Qoraalka). 

{Astaamaynta Qoraalka}

Astaamaynta qoraalku waa in qoraalka loo yeelo calaamado ama astaamo kaaba 

qoraalka, si loo helo akhris sax ah, faham sax ah, iyo, sidoo kale, qurxinta 

qoraalka. Astaamaynta qoraalku waxay leedahay calaamado/astaamo iyo 

xeerar la raaco oo habeeya qoridda hadalka. Aalaaba qofku marka uu hadlayo 

waxaa macnaha kaaba luuqda codka, neefsashada (aamus yar), dareenka wejiga 

ka muuqda iyo dhaqdhaqaaqa ay xubnaha jirku samaynayaan. Astaamaynta 

qoraalku waa iskuday ah in arrimahaas lagu muujiyo calaamado la isla yaqaan. 

Inkasta oo astaamaynta qoraalku sidaa muhiim u tahay, haddana waxaa dhacda 

in dadka qaarkii iska fududaystaan, gaar ahaan dadka aan lagu tababbarin 

bilowgii waxbarashadooda. Astaamaynta qoraalka oo la khaldaa, waxay 

dhaawici kartaa macnaha qoraalku gudbinayo; qoraagana waxay ku tahay ceeb 

iyo dhaliil ay tahay inuu ka dhowrsado. 

Tusaalooyinka hoose, is barbardhig farriinta ay gudbinayaan laba weerood oo

kasta oo isku lamaan. U fiirso, macnaha laba weerood oo kasta waxaa kala 

duway adeegsiga caalamadda hakadka (,) iyo meesha ay qoraalka kaga jirto. 

Tus: #1 

a) Waxaan arkay Cali, Axmed walaalkii. 

b) Waxaan arkay Cali Axmed walaalkii. 

#2

a) Guurso gabadha hooyadeed, ha faraxdee. 

b) Guurso gabadha, hooyadeed ha faraxdee.


a) Macallin, Cali Quraanka wuu dhammeeyay. 

b) Macallin Cali Quraanka wuu dhammeeyay. 

#4

a) Waxaan is raacnay Cali, Warsame iyo Yuusuf. 

b) Waxaan is raacnay Cali Warsame iyo Yuusuf. 

Labad tusaale ee #1, (a) Cali & Axmed waa walaalo, halka (b) Cali Axmed qof 

keliya yahay, oo Axmed aabbo yahay. Sidoo kale #1(a) qofka la arkay waa Cali, 

halka #1(b) qofka la arkay yahay Cali walaalkii. Tusaale #2, (a) hooyada ayaa la 

guursaday, halka (b) gabadha la guursaday. Tusaalaha #3, (a) macallin iyo Cali 

laba qof ayay kala yihiin, halka (b) Macallin Cali uu qof keliya isku yahay; dhanka 

kale, (a) macallinka ayaa lala hadlayaa, Calina waa laga hadlayaa, laakiin (b) 

waxaa laga hadlayaa Macallin Cali. Tusaalaha #4, (a) hadlaha waxay is raaceen 

saddex qof, halka (b) ay is raaceen laba qof oo keliya. Tusaalaha #

Tusaalayaasha kore waxay muujinayaan qiimaha ay astaamayntu u leedahay 

qoraalka iyo sida macnaha hadalku ugu dhisan yahay. 

Haddaba, waxaan si kooban u soo gudbinaynaa astaamaha iyo xeerarka 

qoraalka, ee aalaaba lagula kulmo qoraallada. Waxaa jira calaamado iyo xeerar 

intan ka faahfaahsan, oo uu u baahan yahay qofka qoraya qoraal cilmiyeed, sida 

ardayda jaamacadaha iyo cilmibaarayaasha, ama qofka qoraya sheeko-faneed 

iwm. Qofkani, ha u noqdo buugaagta iyo hageyaasha arrimahan sii 

faahfaahinaya. 

Inkasta oo ay badiba isku mid yihiin astaamaha qoraalka ee laga adeegsado 

dalalka kala duwan, haddana waxaa jira meelo kooban, oo u badan xeerarka 

weheliya astaamaha, oo ay ku kala duwan yihiin. 

Xilligan qurbajoogta Soomaaliyeed ama ardayda dalalka dibadda wax ku soo 

bartay; waxaa la arkaa in lagu soo kala tababbaray xeerar meelo kooban ku kala 

duwan, sida hanaanka Ingiriiska (British Style) iyo hanaanka Maraykanka

(American Style). Markii Far-Soomaalida la qoray waxaa la hanaqaaday 

adeegsiga astaamo iyo xeerar la caadaystay, oo ku qotomay hannaanka (British 

Style). Halkan waxaan mudnaanta siinayaa xeerarkaa hanaqaaday ee 

Soomaalidu caadaysatay, oo badanaaba la jaanqaadaya habka Ingiriiska (British 

Style). 

Waxaase jira in xeerarka qaarkood uu isa soo tarayo adeegsiga hannaan ka 

duwan kii hore ay Soomaalidu u caadaysatay, tani oo badhxaysa hannaankii 

hore u hanaqaaday. Waxay iila muuqataa in arrintani, sida badan, ka timaaddo

Soomaalida ku soo tababbaratay habka Maraykanka iyo adeegsiga aaladda 

kombiyuutarka oo ay dhacdo inuu dad badan u dooran yahay habkan 

Maraykanku; iyo sidoo kale guud ahaanba saamaynta Maraykanka ee dunida ku 

sii fidaysa. Meelihii ay iila muuqato in arrintan la yar iftiimiyo waxaan raaciyay 

baraarujin. 

Inkasta oo badiba calaamadan astaamaynta qoraalku Soomaalida u yeesheen 

magacyo hirgalay, waxaase jira in calaamadaha qaarkood loo bixiyay dhowr 

magic. Waxaan ku dadaalay inaan adeegsado eraybixinta hirgashay. Sidoo kale, 

maadaama badiba Soomaalida wax baraty yaqaanaan afafka Carabiga iyo 

Ingiriisga, badiba eraybixinta waxaan raaciyay dhiggooda afafka Ingiriisiga iyo 

Carabiga; ujeedkuna waa akhristuhu dhakhso u haleelo calaamadda loo jeedo.

Qoraalkani waa mid kooban oo loogu talagalay baahida guud ee dadkeena 


Post a Comment

0 Comments