Latest Article

6/recent/ticker-posts

Calaamadaha Iyo Xeerarka Qoraalka


 Joogsi (Full Stop) (Period) (نقطة (

Joogsi: 

Joogsigu waa calaamaddan (.), waxaana loo adeegsadaa marka weertu 

dhammaato, caadina tahay; (yacnii ayna su`aal toos ah iyo yaab midna ahayn). 

Weedh kasta oo ah amar ama codsi waxay ku dhammaataa joogsi. Joogsigu, 

waxa uu kala soocaa labada weerood.

Tus: Faarax waxa uu dhegaysanayaa idaacadda. 

 Fadlan, koob shaah ah i sii. 

 Wuxuu waydiiyay meesha uu joogo. (Waa su`aal dadban) 

Dhibic: 

Dhibicdu (.) waa astaan gasha meelo gaar ah ee qoraalka, waxaana ka mid ah: 

Marka magaca qofka iwm la soo koobo 

Tus: Maxamuud A. Cali = Maxamuud Axmed Cali 

 M. D. Afrax = Maxamed Daahir Afrax 

Looma baahna in dhibic la raaciyo erayada loo soo gaabiyay jagada, xurmada, 

iwm ee hor dhaca magaca gaarka, sida: Sh (sheekh) Md (mudane), Mw (marwo), 

Dr (Diktoor), Inj (injineer), iwm. 


Tus: Waxaan arkay Sh Faarax iyo Md Cali oo u socda Dr Ibraahin. 

Baraarujin: 

a) Erayada loo soo gaabiyay jagada, xurmada, iwm ee hor dhaca magaca 

gaarka, waxaa jira laba hab, oo kala ah in dhibic la raaciyo iyo in laga tago 

(Sh/Sh., Md/Md., Dr/Dr.). Labada midkoodna khalad maaha, waxaase loo 

sii badanayaa in dhibicda laga maarmo maadaama aysan hawl maahane 

wax kale soo kordhinayn. Si ay noqotaba, ma habboona in labada hab lagu 

wada adeegsado isla hal qoraal dhexdiisa, ee waa in midkood lagu 

kaaftoomaa. 

b) (Dhibic) iyo (Joogsi) waa isku summad, waxayse qabtaan hawlo kala 

duwan, oo ayno qaarkood soo tilmaannay. 

2. Calaamadda Su`aasha/Weydiinta (Question Mark) (السؤال عالمة (

Calaamadda su`aashu waa ( ? ), waxaana la adeegsadaa marka ay dhammaato 

weer-su`aaleed.

Tus: Ma aragtay qalinkaygii? 

Haddii su`aashu tahay mid dadban ama la soo werinayo, waxay ku dhammaataa 

joogsi. 

Tus: Wuxuu waydiiyay meesha uu joogo. (su`aal dadban) 

3. Calaamadda Yaabka (Exclamation Mark) (التعجب عالمة (

Calaamadda yaabku waa ( ! ), waxaana la qoraa marka lagu dhawaaqo hadal 

yaab ku jiro, ama filanwaa ka muuqdo. Calaamaddani waxaa kale oo ay muujisaa 

dareen xoogan, oo noqon kara farxad, naxdin, digniin, qoomamo iwm. 

Tus: Alla, qurux badanaa surwaalkani! 

 Alla, wiilku nacasanaa! 

 Haddaba, waddadan ha isku marin! 

 Alla, hoogay oo ba`ayeey! 

Saddexda astaamood ee joogsiga, calaamadda su`aasha iyo calaamadda yaabku 

waxay asteeyaan weer dhamaystiran oo la soo ebyay. Laakiin astaamaha soo 

socda, ee kala ah: hakad, joogsi dhiman, laba dhibcood iyo kolmaha xigashadu 

waxay dhacaan weerta dhexdeeda. 

4. Hakad (Comma) (فاصلة (

Calaamadda hakadku waa ( , ). Hakadku waa calaamadda loogu adeegsi badan 

yahay, looguna khaldi ogyahay. 

Hakadka waxaa la adeegsadaa weerta dhexdeeda, si loo kala sooro ama loo kala 

saaro erayo ama oraahyo weerta dhexdeeda ah, waxaana ka mid ah noocyadan 

soo socda: 

Taxane erayo/oraahyo ah saddex iyo ka badan: 

Tus: Waxaa yimid Cali, Faarax, Geeddi iyo Faadumo. 

Xafiiska, dhinaciisa waqooyi, dhinaciisa koonfureed, iyo meelo kale oo 

ku dhowba, waxaa ku yaalla dhir qurxoon. 

 Cali waxa uu tegay, ka soo iibsaday dhar, kana soo noqday magaaladii. 

 Taxane laba sifo ama ka badan 

Tus: Qalin cusub, oo cas, ayaan soo gatay. 

Qofka lala hadlayo (loo yeedhaha) ka dib 

Tus: Macallin, casharkan ii sax.

Faaraxoow, sii soco waan kaa daba iman doonaaye. 

Waryaa, halkaas ha istaagin! 

Laba oraahood oo isku xiran, sida shardiile iyo jawaabtiisa iwm, oo ka bilowda 

erayada maadaama, haddii, inkastoo, ka dib (kaddib), sida, marka/markii, si 

Tus: Haddii aad soo habsaantid, waan kaa tegayaa. 

Maadaama aadan dayntii hore bixinin, kuma siin karo dayn kale. 

Si aad kursi hore u heshid, xilli hore kaalay. 

Inkasta oo ay arrintani culus tahay, haddana waynu ka heshiin karnaa. 

Eray ama oraah arar ah: 

Tus: Waa yaab, ee maxaan yeelaa? 

 Tolow, qalinkaygii xaggeen dhigay? 

 Fadlan, koob shaah ah ii shub. 

 Simistarkii hore, waxa aan galay kaalinta koowaad. 

Labada qaybood ee weerta kala dhex gala: 

Tus: Maalintii dhowayd ee roobku da`ay, Cumar ma imanin jaamacadda. 

Labo hakad oo isku lammaan, oo ka hor iyo ka dib dhaca oraah dhextaal ah, 

oo naxwe/dhisme ahaan dheeraad ah 

 Tus: Waxaad i daymisaa, haddii aad hayso, shan kun oo Shilin. 

 Cali waxa uu u marmarsoonayaa, sida aan filayo, inuu baxo. 

Maxamed, oo galay kaalinta 1aad, waxa uu ku guulaystay abaalmarin 

qiime leh. 

Magaalo dhacda gobolka/dalka hortiisa 

Tus: Waxaan ku dhashay Burco, Togdheer; waxaanan deganahay Qaahira, 

Masar. 

Milicsi, ka dabatag hadalka hore 

Tus: Kaasi waa buuggaygii, maaha kaagii. 

Warsame waan bartay, maaha qof dadaal yar. 

Erayo iyo oraahyo gaar ah gadaashood, sida: haa, maya, weli, sidaa darteed, 

sidaa awgeed, maxaa yeelay, maxaa wacay, fadlan iyo kuwa la hal maalaba.

Tus: Jimcaale dayntii hore sooma celinin. Sidaas darteed, dayn kale lama siin 

karo. 

W

Hakadka ugu Dambeeya Taxanaha 

Hakadka ugu dambeeya hakadyo taxane ah, waxaa raacaya xiriiriyaha (iyo). 

Badiba qoraallada Soomaalida, lama qoro oo waa laga tagaa hakadka ugu 

dambeeya ee (iyo) ka horeeya. Sida badan ka tegista hakadkani mugdi ma 

gelinayso macnaha, laakiin mararka qaarkood ayaa macnaha mugdi ama khalad 

gelayaa. U fiirso tusaalahan (Dhismahan waxaa wada deggan kulliyadaha: 

culuumta siyaasadda iyo warbaahinta, caafimaadka, injineeriyada, iyo 

kombiyuutarka.) iyo (Dhismahan waxaa wada deggan kulliyadaha: culuumta 

siyaasadda iyo warbaahinta, caafimaadka, injineeriyada iyo kombiyuutarka.). 

Injineeriyada iyo kombiyuutarku, ma laba kulliyadadood baa mise waa isku hal 

kulliyad? 

Qorista hakadka u dambeeya taxanaha waxaan ku soo gunaanadi lahaa in asal 

ahaan hakadkaa aan la qorin oo laga tago, sida hanaqaadayba; haddiise uu 

macnaha saamayn ku yelanayo, sida tusaalaha kor ku xusan, waa in la qoraa. 

Baraarujin: 

a) Haddii ay kaa murugto meesha ku habboon hakadka, waxaad 

kaalmaysataa inaad qoraalka kor u akhrido; meesha aad neefsato ayuu 

hakadku gelayaa! 

5. Joogsi Dhiman (Semicolon) (منقوطة فاصلة (

Joogsi dhiman ( ; ) ama hakad culus; waxa uu u dhexeeyaa joogsiga iyo hakadka. 

Wuxuu asteeyaa meel macnuhu buuxsamay, welise weertu aanay ebyamin, 

wuxuuna galaa booska xiriiriyayaasha. 

Tus: Cali waxa uu sitaa shaati duug ah, oo cas; surwaal Jiinis ah, oo 

caddaaday; iyo taleefan cusub, oo qaali ah.

6. Laba Dhibcood (Colon) (نقطتان (

Calaamadda labada dhibcood ( : ), waxaa loo isticmaalaa: 

Qeexidda waxyaabo taxan oo dheer; 

Tus: Dhismahan waxaa wada deggan kulliyadaha: culuumta siyaasadda iyo 

warbaahinta, caafimaadka, injineeriyada, iyo waxbarashada.

Post a Comment

1 Comments

  1. Asc wlshy waan kugu dhiiri grlinayaa soo gudbinta waxa faa'idada u leh bulshada ee halkaas kasii wad dadaalkaaga guul iyo gubanimo i.a

    ReplyDelete